Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dunida oo u riyaaqday go’aanka Kuuriyada Woqooyi
    Somalia

    Dunida oo u riyaaqday go’aanka Kuuriyada Woqooyi

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 21, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hadalkii ay ku sheegtay Kuuriyad Woqooyi in ay hakinayso barnaamijkeeda nukliyeerka iyo tijaabada gantaalaha, ayaa dunida aad looga soo dhaweeyey.

    Hogaamiyaha dalkaas Kim Jong-un ayaa sheegay in tijaabooyin dambe oo dheeraad ah aan loo baahnayn, maadaama Kuuriyada Woqooyi muujisay in ay haysato hubka nukliyeerka.

    Donald Trump ayaa go’aankaa ku tilmaamay in uu yahay “war dunida u wanaagan”, Kuuriyada Koonfureed na waxay sheegtay in tallaabadaasi tahay hor u kac macno leh.

    Midowga Yurub ayaa isaguna yidhi waa mid “togan” laakiin waxa uu ku baaqay in dalkaasi gabi ahaanba nukliyeerkiisa baabiiyo.

    Kuuriyada Woqooyi waxay u diyaar garoobaysaa shir madaxeed taariikh ah oo ay iskugu iman doonaan Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka.

    Hortaantii Sabtidii ayaa Kim Jong-un waxa uu yidhi “laga bilaabo 21 Abriil, Kuuriyada Woqooyi waxay joojinaysaa tijaabooyinka nukliyeerka iyo gantaalaha ridada dheer ee Ballistic-ga”

    Hadalkaa lama filaanka ahaa waxa shaacisay wakaaladda wararka ee dalkaas ee KCNA, oo sidoo kale sheegtay in la xidhayo xeradii tijaabooyinkaa lagu samayn jiray.

    Madaxweyne Trump oo arrintaa soo dhaweeyey ayaa hadal uu ku qoray boggiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inuu naawilayo kulan fool ka fool ah oo uu la yeesho Kim Jong-un bisha Juun ee soo socota.

    Kim iyo dhigiisa Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa iyagana lagu wadaa in ay todobaadka dambe iskugu yimaadaan kulan madaxeedkii ugu horeeyey ee ay yeeshaan labada dal mudo toban sano iyo dheeraad ah.

    Xafiiska Moon Jae-in ayaa sheegay in go’aanka Kuuriyada Woqooyi “gacan ka gaysan doono abuuridda jawi togan oo guul lagaga gaadhi kari kulanka madaxda labada Kuuriya iyo sidoo kale ka madaxda Maraykanka iyo Kuuriyada Woqooyi”

    Madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa iyadna waxay sheegtay in arintaasi ahayd “talaabo mudo dheer la sugayey” oo ay haboontahay in ay suurto geliso “baabiinta nukliyeerka oo aan dib loo curin karin, isla markaana la xaqiijin karo”.

    Hadalkaa mid la mid ahina waxa uu ka soo baxay Ingiriiksa oo warbixin ay xukuumadda dalkaasi soo saartay lagu yidhi waxaanu “rajaynaynaa in arrintani muujinayso dedaal lagu doonayo in lagu galo wada xaajood lagu niyad sanyahay”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.