Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Fadaraalka ah Oo lagu maray in ay wax ka badasho Taliska iyo qorshaha dib U dhiska Ciidanka Qaran
    Somalia

    Dowlada Fadaraalka ah Oo lagu maray in ay wax ka badasho Taliska iyo qorshaha dib U dhiska Ciidanka Qaran

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 2, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Soomaaliya waa inay dedejisaa isbeddalada ay ku sameyneyso ciidamadeeda, waxaa sidaas maanta yiri dalalka deeq bixiyayaasha kadib wada-hadal ay ka yeesheen horumarka gaaban ee laga sameynayo in ciidamada laga dhigo kuwo awood u leh inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.
     
    Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, Hadalkan kasoo baxay shir madaxeedka Brussels ayaa ku boorinaya dowladda Soomaaliya inay si deg deg ah uga shaqeyso wax ka qabashada arrimaha lagu cayimay warbixintii sanadkii tagey ay soo saareen dowladda, QM iyo Midowga Afrika.
     
    Warbixintaas ayaa ciidamada xoogga Soomaaliyeed ku sheegtay “kuwa jilicsan oo leh talis iyo maamul tabar darran”, waxaana ay timid ayada oo ciidamada Amisom ay isku diyaarinayaan inay Soomaaliya ka baxaan sanadda 2020, amniga dalkana ku wareejiyaan kuwa Soomaalida.
     
    Ciidamada Afrikan ah ayaa la billaabay in la dhimo sanaddii tagtay, waana kuwa inta badan la dagaalama maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarada ku haya Muqdisho iyo magaalooyinka kale.
     
    Kuwa taxliiliya arrimaha amniga ayaa ka digaya in ciidamo xoogga oo Soomaali ah la’aantood ay Shabaab dib usoo noolaan karaan.
     
    Deeq bixiyayaasha ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamada Soomaalida lagu diiwaan geliyo habka faraha la iska qaado, loona sameeyo mushaar bixin ku dhisan habka elektorooniga.
     
    “Ciidamada Soomaaliya waa inay waqti kooban ku sameeyaan horumar weyn, sababtoo ah waxay dib uga sii dhacayaan, oo ay uga sii dhacayaan waqtigii loo gooyey sanadidi tagtey inay guul ku muujiyaan” waxaa sidaas yiri Joshua Meserev oo ka tirsan machadka daraasaadka Heritage Foundation ee Washington.
     
    Ilaa iyo hada majiraan wax lagu sheegi karo Ciidan Qaran oo dhisan ama la dhisayo kaliya waxaa xiligan sheegta magaca Ciidanka Qaran Maleeshiyooyin beeleed.
     
    Puntland ayaa sanad ka hor dowlada Fadaralka ku wareejisay Ciidan diyaarsan oo gaaraya 2400 oo Askari,balse ilaa iyo hada Ciidamadaas dowlada Fdaraalku ma siin wax daryeel iyo mushahaar ah,sidoo kale ma qalabayn,waxaana wali gacanta ku haya Taliska Darawiishta Puntalnd oo siiya daryeel iyo mushahaar joogta ah.
     
    Maalmo ka hor warbixin ay soo saartay hay’ad ay ka taal qaataan Wasaarada Gaashaandhiga iyo Gudiga difaaca maraykanka,ayay ku tilmaantay in dib u dhiska la qorshayanayo ee Ciidamada Qaranka Somaliya laga fogeeyo kooxaha xagjirka ah ee diimaha kuwaasoo hada ku bahoobay magaca Al ictisaam saamayna ku yeeshay Madaxtooyada Somaliya.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.