Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yaa ka danbeeyay kalkaalisadii U dhalatay Jarmalka Ee Muqdisho lagu Afduubtay?
    Somalia

    Yaa ka danbeeyay kalkaalisadii U dhalatay Jarmalka Ee Muqdisho lagu Afduubtay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 3, 2018Updated:May 3, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay magaca shakhsiga ka dambeeya afduubka gabar kalkaaliso caafimaad ah oo u dhalatay Jarmalka, una shaqaysa hay’adda laanqayrta cas ee caalamiga ICRC, taasoo lagu afduubay xalay magaalada Muqdisho.

    Afhayeenka wasaaradda amniga, C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa magac dhebey ilaalada xarunta ICRC oo uu sheegay in uu hogaaminayey nin uu magaciisa ku sheegay Maxamuud Maxamed Calas oo uu sheegay inuu ka mid yahay ilaalada xarunta.

    C/casiis xildhibaan oo BBC la hadlay wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaan iyo dadaal ay doonayaan in ay ku soo furtaan gabadhaas la afduubtay

    Wuxuu intaa ku daray in ciidanka amaanka ay xabsiga u dhaadhiciyeen ilaaladii xarunta ku sugnayd wakhtigii uu dhacay afduubka.

    Ilaa hadda lama oga meel lala aaday iyo xaaladda ay ku sugan tahay gabadhaas la afduubtay.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa isna sheegay in dawladdiisu ay ka war hayso afduubka gabadhaas kaalkaalisada ah.

    Lanqayrta cas ee caalamiga ayaa iyana barteeda Internetka soo dhigtay qoraal kaga walaacsan tahay bedqabka gabadhaas, waxayna intaa ku dareen in ay xiriir kala leeyihiin maamullada qaarkood sidii loo sii deyn lahaa.

    Afduubkan ayaa ku soo beegmaya ayadoo laba maalmood ka hor ka hor suuqa Bakaaraha lagu dilay gabar u shaqayn jirtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

     

     

    Xigasho BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.