Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Alshabaab Oo weerar ku qaaday Gudaha Dalka Kenya
    Somalia

    Alshabaab Oo weerar ku qaaday Gudaha Dalka Kenya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 4, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maleeshiyo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabab ayaa shalay gelinkii dambe weerar ku qaaday shaqaale ka mid ah kuwa qodaya carra-kaawada ee guryaha lagu dhiso, gobolka waqooyi bari Kenya.

    Weerarkan ayaa dad xogogaal ah oo deegaanka ah ay noo sheegeen inuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Shimbir Faatumo oo ku yaalla Koonfurta Mandera.

    Mid ka mid ah masโ€™uuliyiinta gobolkaasi ayaa idaacadda VOA u sheegay in la aamisan yahay ugu yaraan laba qof oo rayid ah inay ku dhinteen weerarkan, ilaa saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

    Wargayska Daily Nation ee dalkaasi Kenya kasoo baxaya oo weerarkan wax ka qoray ayaa soo xigtay madaxa amnnga ee Gobolka Kutswa Ololka oo isagu u sheegay inaysan weli caddayn tirada dadka waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaasi.

    Waxay Daily Nation sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa amniga ay ku baxeen goobta weerarku ka dhacay.

    Gobolka Maanera waa kan ugu badan Waqooyi Bari Kenya ee ay ka dhacaan weerarrada Al-Shabab ay ka gaystaan waqooyi Bari Kenya.

    Bishii May ee sannadkii hore weerar ay Al-Shabab ka gaysteen duleedka magaalada Ceel-Waaq dhinaca Kenya waxaa ku dhintay laba ka mid ah shaqaalaha qoda carro-kaawada.

    Bishii December ee sannadkii 2014-ka weerar ay Al-Shabab ku qadaday shaqaalaha qoda carrada waxaa ku dhintay 36 ka tirsan shaqaalahaasi taasi oo horseedday inay si xawli ah shaqaalaha aan Soomaalida ahayn uga qulqulaan gobolkaasi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.