Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Galabta Soo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Garoowe.
    Somalia

    Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Galabta Soo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Garoowe.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 7, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo ay taariikhdu tahay 7 May 2018 waxaa uu soo kormeeray Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airpot ee magaalada Garoowe, kaas oo nashqadaytiisa iyo qurxintiisu marayso heer gebogebo ah lana filaayo in maalmaha fooda inagu soo haysa ay soo gebageboowdo.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerkiisa uu Galabta ku tegey garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airpot ayaa waxaa ku wehelinaayey, Wasiiro, xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda ย Puntland iyo masuuliyiin kale.

    Dhinaca kale garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaalada Garoowe ayaa waxaa dhismihiisa gacanta ku haya shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga, shirkadaas oo garoonka u dhistay qaab farshaxankiisu aad u heersareeyo, welibana si weyn looga baaraan degay qaabka dhismaha dhabaha diyaaraduhu ka haadaan.

    Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mudadii uu ku guda jiray kormeerkiisa ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyey dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay garoonku, islaโ€™marahaantaana waxaa uu socod dheer ku maray dhabaha diyaaradaha isagoo indha indhaynayey qaabka loo dhisay dhismaha wadada iyo gebiโ€™ahaanba dhismayaasha Garoonka uu ka kooban yahay.

    Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Mohamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kormeerkiisii Garoonka uu kusoo gebagebeeyey qaybta dejinta iyo rarka xamuulka diyaaradaha, halkaas oo lagu soo bandhigay agabka socodsiinta shaqada oo ahaa mid casriya oo loogu talagalay in si dhamaystiran loogu hawl galo.

    =DHAMMAAD=

    ย 

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.