Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland:-Daawo Madaxweynaha Dowladda Puntland Ayaa Qasriga Madaxtooyada ku Qaabiley Wafti Ka Socdey Hay’ada UNFPA.
    Somalia

    Puntland:-Daawo Madaxweynaha Dowladda Puntland Ayaa Qasriga Madaxtooyada ku Qaabiley Wafti Ka Socdey Hay’ada UNFPA.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 9, 2018Updated:May 9, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikdu tahay 9 May 2018  waxaa uu qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley madax kasocotey Hay’ada UNFPA.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kulanka uu maanta la yeesha madaxda ka socotay Hay’adda UNFPA ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Puntland mudane. Shire Xaaji Faarax iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

    Weftigan ka socday Hay’adda UNFPA ayaa waxaa hogaaminayey Agaasimaha Gobolka Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uu weheliyo uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya Mr. Nikolai Botev iyo ku xigeenkiisa Walter Mandson-filho.

    Madaxa weftiga Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uga mahad celiyey Madaxweynahad Dawladda Punland fursada uu maanta u siiyey inay kula kulmaan xafiiskiisa ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey kulankii uu madaxqweynhu la yeeshay maanta waxaa uu kaga warbixyey waxqabadka hay’adda ee guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan waxyaabaha ay ka qabteen Puntland, isagoona sheegay in horumar weyn ay ka gaadheen ka hortaga tacadiyada haweenka, isla’marhaantaana meel wanaagsan uu marayo barnaamijka wacyigelinta ka hortaga gudniinka fircooniga ah iyo faldenbiyeedka kufsiga haweenka.

    Dhinaca kale Mr. Luay Shabeneh ayaa ku amaanay Dawladda Puntland ka hortaga iyo ladagaalanka tacadiga loo gaysto haweenka, isagoona sheegay in marka loo eego Soomaaliya in Puntland ay tahay meel xasiloon oo ay yar yihiin denbiyaha ka dhaca ee lagula kaco haweenka.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waftiga kusoo dhaweeyey qasriga madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa waxaa uu uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen sidoo kalena ku bogaadiyey Haya’dda UNFPA shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan hawlaha baaxada leh ay ka fuliyeen Puntland.

    Madaxweynaha ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay  in hada uu yaryahy tacadiga haweenka lugula kaco, taasna ay muujinayso sida Hay’addaha Dawladda Puntland uga hawl galeen amuurtaasi, sidoo kalena  sheegay inay lama huraan tahay in laga gudbo caadooyinkii hore ee waxyeelada u gaysan kara caafimaadka hooyada iyo dhalaankaba.

    Ugu danbayn madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay bulshooyinka caalamaka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeedba in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo waxyeelo ugaysanaya haweenka,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.