Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MAHATHIR OO USOO LAABTAY REER MALAYSIA.
    Somalia

    MAHATHIR OO USOO LAABTAY REER MALAYSIA.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 10, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xukuumad cusub iyo Malaysia waa markii kowaad ilaa qaadashadoodii xornimada 1957.

    Mahathir Mohamed wuxuu ahaa Raysalwasarihii 4aad (7aad Hada) ee Malaysia oo wadanka soo xukumaayey 22 sanadood 1981~2003, sagoo ku calaamadeysnaa inuu yahay ninkii kadameyey Malaysia-da cusub, dunidana uga diiwaan gashanaa midka mida ah madexda ugu wanaagsan oo tusaalayasha loosooqato markii aytimaado waxqabad.

    Wuxuu kasoo laabtay “retirement” ama shaqo-gab (qaatay 15-Sanadood), sagoo aad udhaliilsanaa Reysal-Wasaare Najib Razak oo ah nin uu sagu usahlay booskaas oo ku eedeysan musuqmaasuq baahsan, sago kudhaliilay inuu wadanka kaleexiyay majarihii loowadey.

    Wuxuu kabaxey xisbigiisii oo talada wadanka hayay in kabadan lixdan sano, sago kubiirey mucaaradka wadanka si uu usahlo in xisbigiisa hore wadanka laga qabto oo ay meel khaldan wax uwadaan.

    Doorashada oo lasaadalinayay in xisbiga talada wadanka hayay 61 sanadood ee Barisan Nasional (BN) ay si fudud uguulaysan doonaan sababo badan owgood, waxaase arintaas badalay markii natiijo lama filaana ay xalay kasoo baxdey codeeyntii ay udareereen dadwaynaha reer Malaysia.

    Isbahaysiga mucaaradka ee Pakaran Harapan (isbahaysiga rajada) ayaa helay 113 kursi waa in ka badan hal kursi tirada looga baahnaa hal xisbi in ay dowlad kusoo dhistaan ay ka yihiin majority.

    Mahathir Mohamed oo natiijada kadib hadlay oo la waydiiyey wuxuu ka yeelayo reysalwaasare Najib Razak arintiisa musuqmaasuq ayaa sheegay inuusan cidna ka aarsaneyn taas badalkeeda uu wadanka horomarkiisa ka shaqeynayo.

    Waxaa sidoo kale ilqabad leh inuu udoortay reysalwaasare ku xigeenkiisa Wan Azizah Wan Ismail oo kaso koow in ay tahay gabadhii koowaad oo jagadaas gaarta hadana ah xaaska nin ahaa hogaamiyihii hore ee mucaaradka aadna ay iskaga soo horjeedeen Mahathir.

    Halkaas markeey mareyso maxeey kula tahay in madaxda somalidu ay kabaran karto hogaamintii hore iyo tan hada ee Mahathir Mohamed oo ka fog shaqsiyaad iyo xisbi kuna dhisan Ahdaaf ama Yoolaal ?

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.