Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas Oo furay imtixaanka shahaadiga Ee Dowladda Puntland.
    Somalia

    Madaxweyne Gaas Oo furay imtixaanka shahaadiga Ee Dowladda Puntland.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 12, 2018Updated:May 12, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12 May 2018 waxaa uu furay imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 ee Dowladda Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ee caasidamada Dowladda Puntland uu ka furay imtixaanaadka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2017-2018, iyada oo ay ku wehelinaayeen Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Ka hor intaan Madaxweynaha Dawladda Puntland daah furin imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedkan ayaa waxaa uu Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare Abshir Aw Yuusuf Ciise ka warbixyey imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland oo maanta uu madaxweynuhu ka daah furey magaalada Garoowe, iyadoona wasiirku uu sheegey in ay imtixaanka maanta ufariisanayaan 15.000 (shan iyo toban kun) oo arday oo ah boqol (100) xarumood oo ku kala yaala dhammaan goblada Puntland.

    Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la dardaarmay ardayda sanad dugsiyeedkan kan imtixaanka u fadhiisanaysa, mar uu kala hadlay ardayda Dugsiga Sare ee Ganbool meel fagaara ah ayaa waxaa uu ardayda kula dardaarmay,

    “ Waan ku faraxsanahay inaan idiin imaado oo aan ajiibo martiqaadka aad iigu yeerteen in aan furo imtixaanka sanad dugsiyeedka sandkaan, waa wax wanaagsan in maanta intaas oo goobood ay ka dhacayso imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka sideedaad iyo fasalka afraad ee dugsiga sare, waxay muujinaysaa dedaalka ay wasaaradda iyo Dowladduba samaysay, in waxbarashadu ay gaarto Gobol walba, Degmo iyo tuulo walba ee istaahisha in iskuul laga suubiyo waa guul usoo hoyatey Puntland iyo Soomaaliyaba, waxay muujineysaa baahinta waxabarsahada mustaqbalka siday muhiim noogu tahay , dad waxbartey baa guul iyo horumar gaara, idinkana waan idinku amaanayaa in aad laba iyo toban sano aad soo dedaalayseen, waxaas oo dhami ad-adayg bay muujineysaa, idinkoon aan imtixaankii galin baa tihiin dad guuleystey mar haddaad imtixaan diyaar u tihiin, lafteeda ayaa guul ah dabcan waxbarshadu maanta halkaan kuma eka jaamacad baa idin sugeysa intiina fursad u hesha, waxaan idiin rajeen guul, wejiyadiina farxad baa iiga muuqata waana guuleysanaysaan Insha Allaah, aad iyo aad baad u mahadsantihiin, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

    Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu furey imtixaanka shahaadiga ah ee sanad Dugsi yeedka 2017/2018, isla’marahaantaana waxaa uu madaxweynuhu gacantiisa ugu qaybiya ardayda maadadii maanta ay imtixaankeeda geleyeen oo ahayd maadada Tarbiyada Islaamka.

    =DHAMMAAD=

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.