Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Ciidamada Difaaca Puntland Oo dagaalkii Saakay guulo xoog leh ka gaaray
    Somalia

    Sawiro:-Ciidamada Difaaca Puntland Oo dagaalkii Saakay guulo xoog leh ka gaaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 15, 2018Updated:May 15, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Maleeshiyada maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi,ayaa saakay hiirtii Waaberi weerar kusoo qaaday fariisimada Ciidanka difaaca Puntland.
     
    Dagaalka,ayaa ka bilowday Sadex jiho hal mar,kuwaasoo kala ah ..
     
    1.Jihada Tukaraq ee laamiga dheer.
     
    2.Jihada Boocame.
     
    3.Jihada hawdka Nuugaaleed.
     
    Ciidamada difaaca Puntland ayaa muujiyay iska caabin xoog leh,waxayna mudo kooban ku jabiyeen weerarkii Maleeshiyada Jeegaanta
     
    Ciidamada Difaaca Puntland ayaa dagaalkaas guul xoog leh ka gaaray,iyagoo jabintii ay jabiyeen Maleeshiyada maamulka Jeegaanta ee muuse Biixi ku qabsaday Degmada Tukaraq iyo Taliskii Ciidamada Jeegaanta ee Tukaraq.
     
    Ciidamada Difaaca Puntland waxay dagaalka saakay sidoo kale kaga qabsadeen maleeshiyada Jeegaanta Maxaabiis Dagaal oo gaaraysa 6 -Maxbuus,Todobo Gaari oo kuwa dagaalka ah iyo Saanad Milatari oo fara badan badan.
     
    Ciidamada Difaaca Puntland ayaa si buuxda dagaalkaas ugu adkaaday dhamaana gacanta ku dhigay fariisimadii ay kasoo duuleen Ciidamada maamulka Somaliiland.
     
    Maleeshiyada maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi ayaa guud ahaan dagaalkaas waxaa kasoo gaaray khasaare lixaad leh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxayna saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland u xaqiijiyeen Idil News in ay arkeen ugu yaraan 34 Maydka Maleekshiyaadaas oo ay uga carareen Talisyadii laga qabsaday.
    Sidoo kale Maleeshiyada Maamulka Jeegaanta Muuse Biixi ee weerarada garadarada ah soo qaaday ,ayaa waxaa dagaalka uga geeriyooday Talyihii hogaaminayay oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Daa’uud oo u dhashay beesha Sacad Muuse Jibriil Abokor.
    Sidoo kale Maleeshiyada maamulka Jegaanta waxay dagaalka saakay ku wayaeen Ismaaciil Macalin Yuusuf oo ahaa Kabtankii dhanka sirdoonka isku xiri jiray Maleeshiyada maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi iyo Taliskooda sirdoonka ee maamulkaas.
     
    ismaaciil aya ahada sakaraad ah Waxaana la geeyay Isbitaalka magaalada Burco,halkaas oo lagu dabiibayo looguna samaynayo Qaliin dhanka madaxa ah ,
     
    Kabtan Ismaaciil saakay waxuu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay maleeshiyada maamulka Jeegaanta,iyadoo ay xabadi uga dhacday Maskaxda .
     
    Ciidanka Difaaca Puntland waxaa dagaalkii hiirta waaberi ee saakay kasoo gaaray khasaare gaaraya 22 dhaawaca iyo sideed Dhimasha ah iyo Labo Gaari oo kuwa dagaalka ah oo kaga gubtay.
     
    Dhanka kale waxaa kacdoon shacab sameeyay Bulshada reer Laascaanood ee gudaha Mgaalada ku degan,kuwaasoo bilaabay mudaaharaad ay u adeegsanayaan wax alaale iyo waxii ay awoodaan.waxayna wararku sheegayaan in kacdoonka shacabkaas ay ku khasabtay Maleeshiyada Maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi in ay iskaga baxaan gudaha Magaalada, iyo Garoonka Diyaaradaha Laascaanood.
     
    Intaas kadib waxaa da’ay Roob Xoog leh oo hakiyay dagaalka in Cabaar ah,balse kadib markii Roobku istaagay Ciidamada Difaaca Puntland waxay qaadeen weerar dhamaystiran.waxaana markaas si rasmi ah ubilowday dagaalkii mudada la sugayay ee dib uxoraynta Sool.
     
    Dagaalka ayaa hada si xoog leh usocda waxuuna ka socdaa agagaarka God Dhurwaa iyo Higlada ee ka shishaysa Tuulada Ganbadhe oo qiyaas ahaan ujirta 25-Km Magaalada laascaanood.
     
    Shacabka Puntland ayaa muujiyay garab istaag xoog leh waxayna Ciidamada Difaaca Puntland ee ka dagaalamaya safafka hore ee dagaalka gaarsiiyeen raashin,Biyo iyo gargaarka deg-deg ah.
     
    Ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku jiray bilihii lasoo dhaafay diyaar garow xoog leh kaasoo saakay ka muuqday goobaha dagaalka.
     
    Isku soo wada duuboo xiligan waxaa socda dagaal xoog leh oo aan waxba layskugu reeban.
     
     
    Lasoco warka ugu danbeeya …..
     
     
     
     
     
     
    Jibril Qoobey.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.