Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkii amniga Qaranka Baydhabo Oo qarka usaaran in Uu fashilmo iyo Madaxweyne Farmaajo Oo ka baaqday
    Somalia

    Shirkii amniga Qaranka Baydhabo Oo qarka usaaran in Uu fashilmo iyo Madaxweyne Farmaajo Oo ka baaqday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 16, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka ah Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,ayaa baajiyay kasoo qaybgalkiisii shirka Amniga Qaranka ee ee loo balansanaa in uu ka dhaco Magaalada Baydhabo.
     
    Baaqashada Madaxweynaha ayaa warar kala gedisan kasoo baxayaan waxayna qaarkood tilmaamayaan in uu Madaxweynuhu ubaaqday ka qaybgalka shirka deg-dega ah ee wadamada islaamka ah,kaasoo looga xaajoonayo arimaha Safaarada Maraykanka uu ka furtay Qudus iyo xaalada magaaladaas barakaysan oo cakiran.
     
    Waxayna wararku intaas ku darayaan in Madaxweynuhu sii joogi doono Doxa maalmaha ka harsan shirka iskaashiga Wadamada Islaamka ah ee ka dhici doona dalka Turkiga, halkii uu kusoo laaban lahaa dalka kana qaybgali lahaa shirka Amniga Qaranka ee Baydhabo.
     
    Madaxweynaha ayaa shirkaas uwakiishay Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka ah ahna ku simaha Madaxweynaha Maxamed Mursal sida ay tilmaamayaan wararkaas.
     
    Dhanka kale warar kale oo ay idil News ka heshay ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa iyaguna tilmaamaya in Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya Fahad Yaasiin ka danbeeyay baaqashada Madaxweynaha,isla markaana ka shaqeeyay in uusan Madaxweynuhu ka qaybgalin shirka amniga Qaranka ee Baydhabo ee lagu balansanaa.
     
    Fahad ayaaa ka wal wal qabay in Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah ay isfahmaan waxbadana iska waraystaan sidaay noo xaqiijiyeen ilo lagu kasloonaan karo.
     
    Fahada Yaasiin ayaa xiligan lagu tilmaamaa Madaxweynaha dadban ee dalka waxayna siyaasiyiin xog ogaal ah xaqiijinayaan in uu yahay shaqsiga uu ka go’o go’aanka ugu danbeeya ee hogaaminta Villa-Somaliya.
     
    Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ayaa aad u diidan siyaasada Vill-Somaliya ee gacanta ugashay kooxda Fahad Yaasiin.waxayna ilo lagu kalsoonaan karo sheegayaan in ay ubadan tahay in uu fashilmo shirkii muhiimka ahaa ee amniga Qaranka.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.