Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Duufaan xoog leh Oo kusoo wajahan Deegaamada Puntland
    Somalia

    Duufaan xoog leh Oo kusoo wajahan Deegaamada Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 17, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Waxaa soo baxaya durbaba digniinno la xiriira duufaan lagu magacaabo ONE oo la sheegay in ay ku soo fool leedahay qeybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada gobollada Waqooyi Galbeed iyo Bari.
     
    Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO duufaanta ayaa ka soo kici doonta Badweynta Hidiya.
     
    Sida ay saadaashu tahay dabeyshan ama duufaantan ayaa marka hore ku dhufan doonta deegaanno ka tirsan Puntland, iyadoo marka danbe ku sii faa’fi doonta dhinaca Somaliland.
     
    Waxaa ay ku baaqday hay’addu in ay dadku taxadar badan sameeyaan, madaama laga yaabo in duufantan geysato bur bur xoog leh.
     
    Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay.
     
    Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab mahiigaanno ah oo da’ay.
     
    Bishii Nofembar ee 2013kii ayeey ahayd markii ay duufaan wax-yeelo baaxad leh ka gaysatay deegaannada Puntland iyada oo la sheegay in ay malaayiin xoolo ah ku le’deen.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.