Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhagayso:-Madaxweyne Gaas”Yabaacda waxuushta ah waa iska dhicnaynaa dagaalkuna waa sii soconayaa””
    Somalia

    Dhagayso:-Madaxweyne Gaas”Yabaacda waxuushta ah waa iska dhicnaynaa dagaalkuna waa sii soconayaa””

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 17, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Maanta 17 May 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

    Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Baydho ayaa waxaa kusoo dhoweeyey  garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe  ee Janaraal Maxamed Abshir  maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe,  masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay markii oo soo gaadhay Caasimada Dawladda Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii Golaha iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,  shirkaas oo uu Madaxweynuhu sheegay  in uu ku soo dhammaaday guul,  waxaa kaluu madaxweynuhu sheegay in uu kasoo baxay shirkaasi is afgarad, islamarkaasina madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’aamo kasoo saareen.

    “Aad iyo aad baan idinkaga mahadanaqaya dhamaantiin soo dhoweynta aad nagu soo dhoweyseen Garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe, faraxad bay ii tahay inaan dalkii oo nabada, wanaagsan, roobsadey aan ku soo laabto, waxaan ka nimid shirkii golaha isku taga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhacay Baydhabo 13 ilaa 16 Bisha, shirkaas oo lagaga hadalayey Arimo muhiim u ah Dalka, Geedi socodka, dimuqraadiyeenta Soomaaliya, dib u hanashada qaranimadii iyo Dowladnimadii Soomaaliya, waxaana kasoo baxay warmurtiyeedkii aad shalay wada dhageysateen oo arrimo badan oo siyaasadu kamid tahay taa-taabanayey, arrimaha amniga, arrimaha bani’aadantinimada, intaasoo dhan ayaa looga hadlay intiina waxa uu ku soo dhammaaday guul, waxaan rajeenaya in ilaahay nabad nagu gaarsiiyo kiisa kale waxaan rabaa inaa ugu hambalyeeyo Ummadda Soomaaliyeed meel walba ay joogto curashada Bisha barakeysan ee Ramadaan, Allaah waxaan karajeynaynaa in bishaa barakeysan uu noogu danbi dhaafo an iscafino dhammaanteen ” ayuu yiri  Madaxweynaha Dowaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

    Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu hambalyo u direy ciidanka xooga Dowladda Puntland meelkasta oo ay joogaan, kuwaas oo u taagan difaaca dalka, sidoo kalana waxaa uu madaxweynu sheegey in ay Dowladda Puntland ay dhulkeeda difacayso islamar’ahaantaana waxaa uu madaxweynuhu Shacabka Puntland ugu baaqay in ay kaqayb qaataan difaaca dalka.

     

    Halkan hoose ka dhagayso codka Madaxweynaha

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2018/05/gga.mp3

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.