Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka Socdaalka Danmark oo ku baaqday in Muslimiinta laga joojiyo shaqada xiliga Soonka
    Somalia

    Wasiirka Socdaalka Danmark oo ku baaqday in Muslimiinta laga joojiyo shaqada xiliga Soonka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 22, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasiirka arrimaha socdaalka ee dalka Denmark ayaa si wayn loo cambaareeyay kaddib markii ay ku baaqday in Musliimiinta dalkeeda ay ka baaqsadaan shaqada xilliga bisha barakaysan ee Ramadhaan sababtuna waxay ku sheegtay in dad soomaan ay khatar u horseedi karaan bulshada.
     
    Wasiirkan oo lagu magacaabo Inger Stojberg kuna caanbaxday siyaasada soo galooti diid ah ayaa sheegtay in shaqada oo maalinkii lagu soonaado ay dhibaatada u horseedi karta bulshada casriga ah.
     
    Wasiirka ayaa sheegtay in dadka soomaan ee kaxaynaya baaburta dadweynaha iyo kuwa ka howlgalla isbitaallada ay dhibaatooyin u horseedi karaan bulshooyinka.
     
    Balse shirkadaha dalkaasi waxay sheegeen inaysan wax dhibaata ah ku qabin Ramadaanka.
     
    Waxay tusaale ahaan u soo qaadatay darawalada aan waxbo cunin maalinkii in ka badan 10 saacadood oo ay sheegtay in xaaladdaasi ay saamayn ku yeelan karta badqabka rakaabka.
     
    Wasiirka socdaalka Denmark waxay tiri ” Waxaan ugu baaqaya Muslimiinta inay shaqada iska dhaafaan bisha Ramdhaan si looga fogaado waxyaabo saamayn ku yeelan kara nolosha dadka reer Denmark”
     
    Shirkadda Arriva oo gacanta ku haysa baasas badan oo ka shaqeeya Denmark ayaa sheegtay inyasan wax shil ah gaysanin darawallada sooman ee baaburta kaxaynaya bisha Ramadhaan.
     
    Shirakado kale oo ka howlgalla dalkaasina waxay sheegeen in wasiiradda ay isku dayayso inay abuurto xiisaad aanan jirin.
     
    Ururka midowga Muslimiinta ee Denmark oo wasiirka ugu mahadceliyay walaaceeda ayaase xasuusiyay in Muslimiinta ay yihiin dad qaangaar ah oo garanaya waxa ay sameynayaan.
     
    Nin ay isku xisbi yihiin wasiiradda oo lagu magacaabo Jacob Jensen ayaa soo jeediyay in siyaasiyiinta ay diiradda saaraan xallinta dhibaatada taagan intii ay ku mashquuli lahaayeen waxyaaba aan dad dhib ku haynin.
     
     
    Xigasho BBC.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.