Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirarkii tayaynta Wasaaradaha Dowlada Puntland oo soo gabagaboobay
    Somalia

    Shirarkii tayaynta Wasaaradaha Dowlada Puntland oo soo gabagaboobay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 26, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirar kala duwan oo muddo hal toddobaad ah u soconayey Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda Puntland ee ka faa’iideysanaya mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee Capacity Injection Project isla markaana looga arrinsanayey qorshe hawleedka hay’adahaas ee afarta sanno ee soo socota ayaa maanta lasoo afmeeray.

    Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwna ee shirarkaanu u socdeen ayaa waxaa kamid ahaa Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dawladda, Xafiiska Xisaabiyaha guud ee dawladda iyo Hay’adda Shaqaalaha rayidka ah.

    Ujeedada shirarka ayaa ahaa sidii loosoo gunaanadi lahaa buuggaagta qorshe-hawleedada dhammaan xarumahaasi oo diyaarintooda iyo la tashiyo laga sameeyey oo kala duwani ay muddo socdeen iyadoona ay dijinta qaabka farsamo ee qorshe hawleeddadaas uu Baanka adduunku ka caawinayey dawladda.

    Ugu dambayn shirarkaan ayaa dawladda ugu soo dhammaaday natiijo wanaagsan iyadoona laga soo saaray qorsheyaal dhaxgal u ah hay’adahaasi dawladda kuwaas oo la qorshaynayo inay si wanaagsan  u  shaqayn doonaan afarta sano ee soo socta.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.