Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Dowlada Puntland oo ku eedaysay weerarkii bali-khadar maamulka Somaliland
    Somalia

    Video:-Dowlada Puntland oo ku eedaysay weerarkii bali-khadar maamulka Somaliland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 2, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Weerarkii xalay ay Alshabaab kusoo qaadeen mid ka mid ah fariisimada Ciidamada Badda Puntland Balikhadar ee ka tirsan Buuraha Galgala,ayay Ciidamadu si weyn iskaga difaaceen.

    Weerarkan oo ahaa mid ay Maleeshiyada argagixisada Alshabaab ay ku han weynaayeen in uu noqdo mid gaadmo ah,isla markaana dhaliya khasaare baaxad weyn,balse nasiib wanaag waxuu noqday mid fashilmay,kadib markii sirdoonka Puntland ay horayba xogta weerarka u heleen.

    Ciidamada difaaca Puntland,gaar ahaanย kuwa Badda ee (PMBF),ayaa si dhamaystiran uga xaajo qaatay iska difaaca weerarkaas.

    Saraakiisha Ciidamada oo ay idil News la xiriirtay,ayaa xaqiijiyay in Ciidamadu kala cayriyeen Maleeshiyada weerarka soo qaaday,isla markaana ay goobta uga carareen Maleeshiyaad iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaraya 23.

    Maleeshiyada weerarka soo qaaday,ayaa lagu qiyaasay sida xogta lagu helay subaxii hore 60-Nin.

    Dhanka Puntland ayaa weerarkii xalay waxaa kasoo gaaray khasaare dhan 5-Askari oo dhimasho ah iyo 3-dhaawac sahlan ah.

    Maleeshiyadan weerarka soo qaaday ay kasoo anba baxay meel udhow Beer,isla markaana waxay soo mareen Ceerigaabo dhinaceeda meel ku aadan,iyagoo Baabuur lagu galbinayo ayaa ugu danbayntii lagu daadiyay Buuraha Calmadow afaafkooda hore.

    Sarkaalka hogaaminayay Maleesiyada xalay weerarka soo qaaday ayaa lagu magacaabaa Maxamed balwaan waxuuna u dhashay beesha Habarjeclo,sidoo kale waxuu ka tirsanaa guutada 8aad ee Maleeshiyada maamulka Jeegaanta Hargaysa.

    Somaliland oo si weyn u taageerta ama la oran karo waxay qayb ka tahay argagixisada caalamiga ah ayaa qorshaheedu yahay in mar walba Puntland culays laga soo saaro dhanka Buuraha Galgala si ay uga jeensato difaaca dhulkeeda iyo dib uxoraynta Gobalka Sool.

    Waxaa lawada ogsoon yahay in Maleeshiyada argagixisada Alshabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Somaliya intooda badan ay yihiin dhalinyaro kasoo jeeda beesha Isaaq,sidoo kale saraakiisha hogaamisa ay kala bar yihiin isla beeshaas.

    Dhawr jeer oo hore ayay Dowlada Puntland iyo Sirdoono caalamiya ay ka hadleen taageerada Somaliland ay siiso aragagixisada caalamiga ah.

    idil News…

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/xcN_nZy3ecs

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.