Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxay ahayd sababta Hargaysa loogu diiday Dhalinyaradii tahriibka laga soo ceshay?
    Somalia

    Video:-Maxay ahayd sababta Hargaysa loogu diiday Dhalinyaradii tahriibka laga soo ceshay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 4, 2018Updated:June 5, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilo xogogaal ah oo ku sugan Hargeysa iyo Muqdisho ayaa sheegay in xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya uu qalab xafiiseed uu galabta oo Taariikhdu ku beegan tahay 03/06/2018 ka diray Magaalada Muqdisho.

    Qaabkaas,ayaa la gaarsiiyay Magaalada Hargeysa ee Caasimada maamulka Somaliland.

    Qalabkan wuxuu ka kooban yahay mashiinada faraha iyo sawirada qaada iyadoo ujeedada loo geeyayna ay tahay in halkaas laga furo xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha Somaliya.

    Maxaa keenay in Soomaliland xiligaan ogolaato in xafiiskan laga furo Hargeysa?

    Kadib dagaalkii ka dhacay gobalka Sool gaar ahaan Tukaraq ee u dhexeeyay Puntland iyo Somaliland waxay Dowladda puntland joojisay dadkii reer Somaliland ee Baasaboorada ka qaadan jiray xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha ee Garowe.

    Hadaba khasaarihii dhimasho iyo dhaawacba lahaa ee kasoo gaaray Somaliland dagaalkaas.waxaa ku adkaatay in ay u hesho caafimaad dalka dibadiisa ah sababo ay ugu weynaayeen Baasaboor la’aanta.

    Waxaa dhacday in uu xiriir dhexmaray Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka dowlada Fadaraalka Mahdi Maxamed Guuleed,wadahadal kadib wuxuu Mahdi u xilsaaray howshaas in ay fuliyaan xubnaha kala ah Wasiirka arimaha gudaha Dowlada Fadaraalka Cabdi Maxamed Sabriye iyo Agaasimaha laanta socdaalka koofi Maxamed Kaahin waxaana la isla qaatey in sida ugu dhaqsiyaha badan arrinkaas loogu fududeeyo maamuulka Hargeysa.

    Xogtu waxay intaas ku daraysaa in sababta loo celiyay diyaaradii siday dhalinyaradii libiya laga soo celiyay ay ahayd in ay isku soo beegmeen labada diyaaradood mid qalabka siday iyo midii dhalinyarada Libiya laga soo celiyey siday,iyadoo ay dad badani oo ehelka dhalinyaradaas ay ku sugnaayeen garoonka,ayaa taasi ku keentay maamulka garoonka diyaaraha ee Cigaal cabsi badan iyo in uu fashil uga yimaado dadka reer Somaliland ku sugan garoonka maadaama xafiiskan si qarsoodi ah la rabay in looga furo Magaalada Hargeysa taasina waxay sababtay in la celiyo diyaaradii siday dhalinyaradii Liibiya laga soo celiyay.

    Haddaba su’aasha iswadiinta mudan ayaa ah ma Somaliland ayaa ka tanaasushay gooni isu taagii ay mudada dheer ku dhawaaqaysay mise Dowlada Fadaraalka, ayaa halkaas waxaa uga muuqday fursad ay wadda hadal kula furi karto maamulka Somaliland,hoos ka daawo muuqaalka dhalinyarada lasoo celiyay oo hargaysa ka dagay.

     

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.