Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka qayb Galay Shirka Amniga Soomaaliya.
    Somalia

    Video:-Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka qayb Galay Shirka Amniga Soomaaliya.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 4, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 4 June 2018 uga qayb galay magaalada Baydhabo uga qayb galay shirka amniga qaranka Soomaaliya, shirkaas oo maanta ka furmay xarrunta Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, islamarโ€™ahaantaana ay ka soo qayb galeen Madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Madaxweynayaasha Dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda DF Soomaaliya iyo sidoo kale taliyayaasha ciidamada iyo masuuliyiin kale.

    Shirkaan oo ah kii Afraad ย oo ay yeeshaan madaxda Dawladda DFS iyo madaxa Dawladdaha xubnaha ka ah DF ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Amniga Soomaaliya, Khayraadka Badda, Caddaalada iyo doorashada 2020.

    Sidoo kale Shirka ayaa waxaa lagu falanqayn doonaa arimaha cadaalada iyo habsami usocodka doorashooyinka 2020, iyadoo inta badan xoogga la saaridoono arimaha amniga iyo xasilinta Soomaaliya, balse qaabaynta siyaasadda Soomaaliya iyo sidii dhabaha nabadda iyo hormarinta loogu ridi lahaa Soomaaliya ayaa ka mida arimaha kale muhiimka u ah shirkani.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kulankii maanta ay yeesheen madaxda Dawladdaha xubanaha ka ah DFS iyo madaxda Dawladda Faderalka ah Soomaaliya ka jeediyey Khudbad taariikhi ayaa sheegay sidda ay mahuraanka u tahay in dhidibada loo taago ciidamada xooga dalka Soomaaliya, si lo adkeeyo amniga iyo xuduudaha Soomaaliya, isla markaana tilmaamay haddii la rabbo in la helo Soomaaliya Adag oo ah dal dhisan, xudduudihiisuna sugan yihiin, in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso hayโ€™adaha kala duwan ee dawligga ah.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in madaxda qaranka Soomaaliya looga baahan yahay in si feejigan u abaaraan dhismaha ciiidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyagoo oo dadaal kooda oo dhan iskugu gaynaya sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad, si ay u helaan kalsooni buuxda oo ay ku maareeyaan noloshooda.

    Ugu danbayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo Baydhabo wuxuu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Madaxda Dawladda DF Soomaaliya iyo Dawladdaha xubnaha ka ah , isaga oo kala hadli doona xaaladda amniga Soomaaliya iyo sidii iskaashi buuxa looga samayn lahaa horumarinta Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.