Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Puntland”Dowlada Fadaraalku waa ku biirtay colaada Tukaraq waxayna garab siinaysaa Somaliland”
    Somalia

    Video:-Puntland”Dowlada Fadaraalku waa ku biirtay colaada Tukaraq waxayna garab siinaysaa Somaliland”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 5, 2018Updated:June 6, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gudiga difaaca dowladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen lacag dhan 1-million oo dollar oo dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadka duufaantu saamaysay ee ku nool Soomaaliland.

    Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xirsi Tima-cadde iyo afhayeenka madaxtooyada Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa soo dhoweeyey lacagtaasi in loogu deeqo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan haseyeeshee waxa ay tilmaameen inay habboonayd in loo marsiiyo culimada iyo hayaddaha Khayriga ah si aan loogaga faaโ€™iidaysan arrimo siyaasadeed.

    Lacagtan halka Milyan ah ee Ra’isalwasaare xigeenka Dowlada Fadaraalka gudoon siisay maamulka Waqooyi-Galbeed ee loo yaqaan Somaliland waxaa qayb ka ah Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.

    Waxaa lawada ogsoon yahay in Xamar iyo Beledweyne ay daadad iyo fatahaado xoog leh ka dhaceen xataa aan la siin lacagtan wax u dhow.

    Lacagtan ayaa la oran karaa ama lagu tuhmi karaa waxaa laga leeyahay qorshe iyo ujeedooyin qarsoon oo ay ugu horayso garab istaag maamulka Jeegaanta lagu garab istaagayo xasuuqa shacabka Laascaanood.

    Maalin ka hor ayay ahayd markii isla Raโ€™isalwasare xigeenka Fadaraalka Mahdi uu usoo diray Maamulka Jeegaanta qalabka lagu sameeyo Basaboor Somaliga si ay ugu sahlanaato maamulkaas in Ciidamadii kaga dhaawacmay dagaalkii Tukaraq loo qaado caafimaad dibada ah.

    Dowlada Puntland ayaa hakisay Basaboor Somaligii ay ka qaadan jireen Dadka Gobolada waqooyi-galbeed Somaliya Xaafiiska socdaalka ee Garowe,hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee ay qabteen Gudiga difaaca Dowlada Puntland oo ay arinkaas kaga hadlayaan.

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/beK2vN4FTmo

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.