Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Boorama Way Hadashay Faysal C.Waraabe Ka Dib.WQ.Abdinasir Dahir Egeh
    Somalia

    Boorama Way Hadashay Faysal C.Waraabe Ka Dib.WQ.Abdinasir Dahir Egeh

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 8, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Borama waa magaalo dadka Somalidu usiman yahiin ku noolaan karaan,dhisan karaan, ka ganacsan karaan,waxna ka baran karaan.
     
    Ma lahin Dakad iyo il dhaqaale oo aan ahayn inaan umada Soomalida ka iibino Aqoon iyo Amni taasi oo keentay in maanta 40% dadka dagan Borama ay yahiin dad Gobolkasta oo Soomaliya ah ka yimid, dibada ka yimid jeclaaday Borama sababta oo ah waa meel loo siman yahay . Borama maanta waxaa dhisay oo dhaqaalaheeda kor u qaaday ardayda waxbarashada usoo doonatay iyo qoysaska usoo guuray si halkan ugu noolaadaan kuwaasi oo jeclaaday nabada, waxbarashada iyo jawiga magaalada iyo Borama oo ah meel qofka aan la waydiin qabiilkiisa xataa.
     
    Marka Isha dhaqaale eed leedahay la isku dayo in lagaa burburiyo cida taa isku daydaa waa cadawgaaga taasi badelkeeda Faysal C.Waraabe maanta laga bilaabo reer Borama waxay u arkaan nin danahooga ka burburinaya taasina ma ogolin waanan ka soo horjeednaa.
     
    Dhanka kale dhalinyrtii reer Awdal maanta meel kasta oo Somali joogto waa ka shaqeeyaan waan joogaan iyaga oo dadkiina caawiyay iyagiina shaqaysta qoysaskoodii Borama joogayna nolol ahaan taageeray, maanta dadka reer Borama waa dad xushmad iyo qadarin looga hayo guud ahaan dhulka Somalida anagana nagama suura gasho in qof soomali ah ciidayada isagoo jooga kalmad xun xataa la maqashiiyo.
     
    Jaamacadda Camuud waa goob waxbarasho taasi oo adeeg siisa dhamaan arday kasta muslim iyo gaalba waa meel ay wax ka bartaan arday ka timid 32 meelood oo kala duwan oo ay ku jiraan Ethiopia, Jabouti , Carabta, Yurub, Maraykan iyo meelo kale. Ardaydu Hargaysa, Borama iyo Garoowe meeshuudoono haka yimaadee iyagaa isku ah reer Camuud mana fiicna siyaasi dan leh inuu isku diri.
     
    Borama martida waa soo dhaweeyaan iskadaa in dhexdooda lagu dhibaateeyee suuragal maaha in xitaa kalmad xun lamaqashiiyo iyagna taa way ogyahiin waanay ka markhaati kacayaan sida dhalinta Borama meel kasta looga qadariyo ayaan anana u qadarinaa qofka Soomaliga iyo Ajanabiga ah meel kasta haka yimaadee.
     
    Hadii cid aan Borama matalin hadal xun iniga soo gaadho maaha micnaheedu waan la ognahay qof kaa isaga ayay ku kooban tahay ogaada Ardayga reer Borama ee Jaamacadda Camuud dhigta waxaa ka qadarin badan ka gobol kale ka yimid taa markhaatigeeda ardaydayda ayaan u dhaafayaa.
     
    Ardayda Camuud dhigata waa qoys kaliya waa walaalo waa isku tol iyagaa iskaga dhaw cidkasta markaa hadalada siyaasiyiintu yaanay colaad idin dhex dhigin.
     
    Horumarka Borama maanta gaadhay ardayda noo timaada iyo waliba qoysaska Magaalada soo dagaa kaalin wayn ayay kaga jiraan.
     
    Borama Waa Balad Aamin Ah Qofkii Soo Galaana Waa Nabad Galayaa.
     
    Hadalkii Faysal Waraabena Waraabena waa Hadal Isaga ku kooban oon lala ogayn Nagumana matalo afkayagana kuma hadli karo Camuud na dadka way u dhaxaysaa.
     
    Wa Bilaahi Tawfiiq
     
    Abdinasir Dahir Egeh
    Borama
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.