Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaramada Midoobey oo cunaqabatayn kusoo rogtay Magafayaashii Liibiya
    Somalia

    Qaramada Midoobey oo cunaqabatayn kusoo rogtay Magafayaashii Liibiya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 8, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay lix ruux oo masuul ka ah hawlgallada dadka lagu tahriibiyo ee Liibiya.
     
    Waa markii koowaad ee dad wax tahriibiya lagu daro liiska cunaqabataynnada caalamiga ah.
     
    Dadka liiskaas lagu daray waxaa ka ka mid ah afar Liibiyaan ah oo uu ka mid yahay nin madaxa ka ah qayb ka mid ah ciidammada ilaalada xeebaha iyo labo ruux oo dalka Eritrea u dhashay.
     
    Dadka wax tahriibiya ayaa ka faa’iidaystay ammaan xumida Liibiya iyaga oo boqolaal kun oo ruux badda mariyay si ay Yurub u geeyaan.
     
    Qaar badan oo ka mid ah tahriibeyaasha ayaa ku go’doonsan xarummo si ku meelgaar ah dadka loogu hayo, iyaga oo waliba jirdil kala kulma kuwa wax tahriibiya.
     
    Cunaqabtaynta oo ka kooban in safarrada caalamka laga xayiro iyo in lacagtooda la xannibo ayaa ka dhalatay qorshe ay soo gudbisay Netherlands taas oo caalamkuna ku taageeray.
     
    Qorshahan ayaa markii hore la soo dhigay kawdii bishii May, balse Ruushka ayaa is hortaagay isaga oo dalbaday in uu dib u eego caddaymaha loo cuskanayo lixdaas Nin.
     
    Cunaqabatayntan aan la filaynin ayaa timid ka dib markii aad looga carrooday warbin uu dabayaaqadii sannadkii hore sii daayay telefeshinka CNN taas oo muujinaysa rag tahriibayaal ah oo adoon ahaan loogu xaraashayo Liibiya.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.