Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taliska Maraykanka ee Africa oo ka hadlay la dagaalanka Alshabaab
    Somalia

    Taliska Maraykanka ee Africa oo ka hadlay la dagaalanka Alshabaab

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 25, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalama Soomaaliya.

    Thomas Waldhauser ayaa ugu sheegay suxufiyiinta Pentagon in ay qaadi dooni doonaan howlgal ay si gaar ah u fuliyaan iyo sidoo kale kuwo ay kala kaashadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM.

    “Waxaan u baahan nahay awood badan si aan u wiiqno awooda Al-qaacidada Soomaaliya sidaas darteed waxaa laga maarmaan ah in aan helno awood badan oo aan ku qaadi karno Weeraro noo gaar ah iyo sidoo kale mid aan kala shaqeyn doono ciidanka xoogga Soomaaliya” ayuu yiri Thomas Waldhauser .

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka la dagaalanka Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka laga dareemaayo Habacsanaan badan.

    Bilo ka hor ayaa aqalka cad ee dalka Mareykanka loo gudbiyay codsi ka yimid howlgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika kaas oo ahaa kordhinta awoodda  iyo sidoo kale howlgallada ay ka fulinayaan Soomaaliya.

    Ugu danbeyntii, ciidamada dowladda Mareykanka ayaa inta badan duqeymo waxa ay la beegsadaan saldhigyada ay gobolada dalka ku leeyihiin Al-Shabaab

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.