Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo qalbiga uqaboojiyay Dowladaha K.Koonfureed iyo Japan
    Somalia

    Maraykanka oo qalbiga uqaboojiyay Dowladaha K.Koonfureed iyo Japan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 14, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi aan lagaqaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubka Nukliyeerka ah.
     
    Pompeo oo magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada koonfureed uu kula kulmay dhigiisa dalkaasi iyo Japan ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadda Pyonyang ay ka go’antahay inay fuliso arrintaasi.
     
    Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo waxa uu u tegay Seoul oo ah caasimadda Kuuriyada Koonfureed si uu ugu qanciyo dalkaasi iyo Japan in heshiiska taariikhiga ahaa ee dhex maray Trump iyo Kim Jong-Un uu dan uu yahay dhinacyada oo dhan.
     
    Waxa uu sheegay inuu rajaynayo inuu arko Kuuriyada Waqooyi oo gebi ahaanba burburisay hubkeeda khatarta ah marka la gaaro dhammaadka sanadka 2020-ka.
     
    Dalal uu ka mid yahay Japan ayaa shaki ka muujiyay qaabka loo hirgelinayo heshiiska dhex maray Trump iyo Kim, waxaana ay sheegeen in aanay ku caddeyn heshiiskaasi xilli Pyongyang looga fadhiyo inay burburiso hubkeeda wax gumaada.
     
    Balse Pompeo ayaa carrabka ku adkeeyay in aan Kuuriyada Waqooyi cunaqabateynta laga qaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubkaasi.
     
    Waxa uu intaas ku daray in Maraykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ay ka go’an tahay xaqiijinta hub ka dhigidda xukuumadda Pyongyang.
     
    Warbaahinta Kuuriyadda Waqooyi oo ka hadashay heshiiska ayaa sheegtay in la isla meel dhigay in tallaabo tallaabo loo fuliyo, oo si talantaali ah uu dhinacba markiisa uga soo baxo waxyaabaha looga baahan yahay, taasoo khilaafsan waxa uu hadda sheegayo xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.