Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
    Somalia

    Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 14, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

    Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Looga hadlay arrimaha Amniga Puntland, Dhibaatada Tahriibta iyo Xeerka Biyaha Puntland.


    Amniga Puntland:

    Golaha xukuumadda Dawladda Puntland oo Warbixin Ka dhageystay Wasaaradda Amniga ayaa Sheegay in Amniga guud heerkiisu sarreeyo, waxayna Golaha Xukuumada Dawladda Puntand oo dood dheer ka yeeshay arrimaha Amniga ay xuseen in si dhow loola socdo tacadiga iyo caburinta joogtada ah ee loo gaysanayo birimagaydada iyo Waxgaradka Gobalka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood.

    Sidoo kale golahu waxay cadeeyeen in lala socdo qaswadayaasha ka dhanka ah Amniga Puntland gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, waxayna golahu fareen shacabka Puntland in ay lashaqeeyaan laamaha Amniga gaar ahaan xilliyada ciida lagu guda jiro.

    Dhibaatada Tahriibta:

    Golaha Xukuumada Dawladda Puntland ayaa Ka dooday aafada joogtada ah ee qul-qulka Tahriibta, iyaga oo ku dheeraaday dhibaatada tahriibta ayaa Sheegay in Leyska kaashado Shacab iyo Dawladba Sidii loo joojin lahaa waxyeelada tahriibta, loona badbaadinlahaa dadka ku dhimanaya baddaha,

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u saaray guddi heer Wasiiro ah, kana kooban Wasaaraddaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Qorshaynta iyo Caafimaadka si ay uga soo talo bixyaan qul-qulka tahriibta.

    Xeerka Biyaha Puntland:

    Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka dooday xeerka biyaha Puntland, xeerkaas oo qeexaya ilaalinta iyo dhaqaaleynta keydka khayraadka biyaha, wuxuuna si gaar ah u xoojinayaa maareynta iyo horumarinta adeega biyaha Puntland.

    Ugu- danbayn Golaha Xukuumada Dawladda Puntland oo dood dheer ka yeeshay xeerkan ayaa faray in dib-usixid lagu soo sameeyo xeerka Biyaha Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.