Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wasiirka warfaafinta”Hadalka Abiye waxba kama jiraan,Somaliya waa dal madaxa banaan”
    Somalia

    Video:-Wasiirka warfaafinta”Hadalka Abiye waxba kama jiraan,Somaliya waa dal madaxa banaan”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 18, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo faah faahin ka bixinayay heshiiskaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale.

    Wuxuu sheegay Wasiir Daahir Geell in heshiiskan uu mudo soo socday oo dowladihii midan ka horeeyay ay soo wadeen, wuxuuna tilmaamay in labada dalba ay heysteen fursado badan.

    Laakiin waxaa uu meesha ka saaray hadalkii ka soo yeeray ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada dal isku noqonayaa hal wadan, isaga oo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya yihiin labo dowladood oo kala madax-bannaan laakiin yeelanaya iskaashi iyo wax wada qabsi.

    “Heshiiskani wuxuu ku saabsanaa dhinacyo badan, heshiiskani mudo ayuu soo socday, mar walba waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaa aad looga hadlay xiriirka dhaqaale ee labada dowladood, suuq macno leh ayaa halkan ka dhalanaya, waxaan kuu sheegi karaa in ay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, ra’iisul wasaaraha Itoobiya wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya” ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

    Mar wax laga weydiiyay in Itoobiya dhisaneyso Ciidamo Badda, isla markaana heshiiskan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah ayuu kaga jawaabay in dadka Soomaaliyeed arrimahaas shaki ka geli kara, balse gobonimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

    “Dowladda ka talisa Soomaaliya inay horumariso mooyee hoos ugama dhigeyso, gobonimada iyo madax banaanida Soomaaliya waa laba taabtaan, Dekedaha iyo dalka cid la siiyay ma jirto, laakiin iskaashi dhaqaale oo dowlad kasta oo adduunyada ka mida haddii ay timaado la yeelan laheyn waaye waxaa meesha ka dhacaya, waana wax maslaxad Soomaaliyeed ku jirto”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.