Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Fadaraalka ah oo hor istaagtay xiriirkii beesha caalamka iyo Somaliland
    Somalia

    Dowlada Fadaraalka ah oo hor istaagtay xiriirkii beesha caalamka iyo Somaliland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 21, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qiratay in ay sax tahay warqad deeqbixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, sida ku xusan heshiiska “new deal”.
     
    Warqadda,ayaa ka soo baxday xafiiska Wasiirka qorshaynta ee Soomaaliya, 9kii Juun, ayaa lagu sheegay in heshiisku uu muhiim yahay, tan iyo 2013-na la gaaray guulo wax ku ool ah, balse weli ay jiraan tiro caqabado ah.
     
    Caqabadaha ayaa la sheegay in ay ku jiraan sidii xukuumadda Faderaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Faderaalka ay u wada dhisi lahaayeen qaab lagu wada shaqeeyo oo waxtar leh, una ogolaanaya dawlad goboleedyada inay yeeshaan awood wax soo saar iyo mid ay adeegyo ku fidiyaan, si uu u adkaado iskaashiga kala dhaxeeya dawladda, halkii uu ka wiiqmi lahaa.
     
    “Waxaan rumaysannahay in taageerada dhanka horumarka, ee aan loo eegayn dawlad goboleedkee baa taageero helaya, loo qaybiyo si haboon oo daahfuran, lana xaqiijiyo in dadweynaha oo dhan ay ka faa’iidaan, kaalmadana loo adeegsado horumarin, ee aan arrimo kale loo adeegsan” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska wasiirka Soomaaliya.
     
    Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay qaab cusub oo ay ku badelayso heshiiska ‘new deal’
     
    Sida qoraalka lagu xusay, xukuumadda Federaalka Somaliya waxay ka walaacsan tahay in hal dawlad goboleed loo asteeyo macaamil gaar ah ay saamayn aad u daran ku yeelanayso dadaallada dhidibbada loogu aasayo nidaamka Faderaalka, iyo qaran-dhiska Soomaaliya.
     
    “Dawladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ee kale waxay si furan u muujiyeen in haddii ay sii socoto la macaamilidda gaarka ah ee Somaliland, in iyaguna ay xiriir noocaas ah ka raadsan doonaan deeq-bixiyeyaasha, taasoo saamayn kala jajabnaan ah ku yeelan karta isku xirka deeqaha Soomaaliya, wiiqina karta jiritaanka federaalka, siina murjin karta isu dheellitir la’aanta dhaqaale” ayaa lagu yiri qoraalka.
     
    Dawladda Fadaraalka ee Soomaaliya waxay qoraalka ku sheegtay in ay soo dhoweynayso talooyinka aan “gorgortanka ka galayn madaxbanaanida dalka”, isla marakaana aan “si kas ama kama’ ah u galinayn maqaam faa’iido la’aan ah mid ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka”.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.