Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas Oo khudbad aan caadi ahayn ka hor jeediyay Baarlamaanka Puntland
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas Oo khudbad aan caadi ahayn ka hor jeediyay Baarlamaanka Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 23, 2018Updated:June 23, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Mudanayaal, Maanta waxaan ku jirnaa dagaal mana aha dagaalkaan la ina kusoo qaaday mid la mid ah kuwii aan horey ku geli-jirnay, waa mid saameyn ku leh diinteena, dalkeena, jiritaankeena iyo Dawladnimadeena, waa dagaal dhaafay Anshaxa suuban, Soomaalinimada iyo jaarnimadii Soomaalida lagu yiqiin, waa dagaal salka ku haya been,Argagixiso iyo Isir-nacayb.
    Mudanayaal, Gobolka Sool maaha meel kawada dhaxaysa SL iyo PL, Gobolka Sool maaha gobol aan la garanayn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheeganayso, Gobolka Sool maaha weel lagu dawarsado oo Hargeyso Mushaar looga raadsado, Gobolka Sool maaha meel uu ilaahay u qoray in shacabkeedu ilmadu gobo’leyso oo aduunku daawado, Gobolka Sool maaha Shandadd inta diyaarad lala raaco Ictiraaf lagu raadsado oo lagu baryo-tago, Gobolka Sool Dhul iyo Dad-ba waa reer Puntland waxaana laga xoreynaa cadowgu dul-hoganaya, waxaana u sheegayaa Shacabka Gobolka Sool kuma noolaan doontaan colaad, ciilqab iyo xabsiga Maamulka Hargeysa haddii Alle idmo.
     
     
    Sidoo kale waxaan u sheegayaa shacabweynaha Puntland, Tan iyo markii Laascaanood la qabsaday reer Sool waxay ku jireen dulinimo, caga-jugleyn, isku dir iyo dil joogto ah, maantana waxaa loogu daray cuburin, xabsi joogto ah iyo in la yiraahdo dalka malihidin ee iska guura, sidaa darteed waxaa la idin ka doonayaa inaad garab istaagtaan qorshaha soo celin Gobolka Sool ee ay Dawladdu wado.
     
    Shacabka Puntland waxay Dawladdu u sheegaysaa inaad u hiilisaan walaalihiin reer Sool, lana garab istaagtaan Naf iyo Maal-ba, sidoo kale waa inaad ogaataan Abaalka aad maanta dhigataan inuu noqon-doono kayd idiin yaal kumanaan sanno oo socda.
     
    Muuse Biixi waxaan leeyahay, “ Xaashaa lilaahiye beenta waa, laga xishoodaa“ wada-hadal ayaan Federaal la galayaa intaan Puntland soo weeraro, xuduud ayaan soo xirayaa, Ictiraaf –baan doonayaa horaa loo yiri “ Afkaa jeexan baa loo hadlaa iyo saa iriye, Kala aragnay tuugaa ordaayiyo eeda kii falaye”.
     
    Muuse Biixi wuxuu ku doodayaa Ingiriis ayaa Gobolka Sool nasiiyay, waxaan u sheegaynaa Ingiriis dhulkaan malaha, wuxuu ahaa gumeyste maalmo joogay oo aan iska xoreynay, kumanaan Daraawiish ah iyo Soomaali kale ayaa dhiigooda u huray Naftoodana u hibeeyey si ay iskaga xoreeyaan heeryadaas gumeysiga.
     
    Haddaba, Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis uu dhul kusiinayo Laascaanood maaha London, Xuduna maaha Birmingham, Taleex-na maaha Cardiff.
     
    Shacabka Soomaaliland Dawladda Puntland waxay u caddeynaysaa inay ula diyaar nahay walaaltinimo, daris wanaag iyo wada-noolaasho buuxda, waxaana na-farax gelinaya sharaftiina iyo karaamadiina,
     
    Shacabka Soomaaliland waxaan u sheegaynaa Muuse Biixi Puntland dhibaato kuma hayo, laakiin dibindaabyada uu Soomaaliland ku hayo ha laka badbaadiyo horaa loo yiri “ Doqoni walaalkeed ayey u daab weyn tahay”, ee dhibaatada uu idinku hayo iska badbaadiya.
     
    Ugu Danbeyntii: Dawladda Puntland waxay aqoonsan tahay xuduudii ay Dawladdii Soomaaliya u kala sameysay Gobolada Togdheer iyo Sool, haddii ay wax ka qaldan yihiin waxaan kala hadlaynaa cidkasta oo samadoon ah, laakiin Gobolka Sool iyo Gobolka Nugaal dhexdooda cidii wadahadal ka doonaysa dee waxaan ku leenahay “ Af aadan lahayn aamus lama yiraahdo” beentaas yaan waqti la iskaga qaadin Laascaanood iyo Garoowe xuduud Makala yeelan-doonaan taa hala ogaado.
    Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal
    Waxaan u Mahadcelinyaa dhammaan Golaha Wakiilada, waxaanna u rajeynayaa in kal-fadhigaan uu noqdo mid meel mariya Agendeyaasha iyo shaqooyinka horyaalla kuna dhamaada guul, waxaana si rasmiya ugu dhawaaqayaa in kal-fadhigii 41-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uu furan yahay
    Allaa Mahad leh
    Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
    Madaxweynaha Dawladda Puntland

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/rxMMsOs6dDY

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.