Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Israa’iliyiinta iyo Falastiiniyiinta Oo markale isku dhacyo dhexmareen
    Somalia

    Israa’iliyiinta iyo Falastiiniyiinta Oo markale isku dhacyo dhexmareen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 30, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saraakiisha caafimaadka magaalada Gaza ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan laba ruux oo Falastiiniyiin ah ay dhinteen kadib isku-dhacdyo Jimcihi shalay Marinka Gaza ku dhexmaray ciidamada Israel iyo dad Falastiiniyiin oo mudaaharaad ka dhigay xadka Gaza.

    Ashraf Al-Qudra oo ah afhayeenka wasaarada caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in labada ruux ee ay dileen milatariga Israel ay kala yihiin wiil 13 jir ahaa oo lagu dilay meel u dhaw magaalada Khan Yunis iyo wiil kale oo 24 jir ahaa oo isna lagu toogtay agagaarka Rafah.

    In ka badan 130 ruux oo Falastiinyiin ah ayay wasaaraddu sheegtay in Jimcihi shalay lagu dhaawacay xadka Gaza iyo Israel.

    War kasoo baxay milatariga Israel ayaa lagu sheegay in kumanaan ruux oo Falastiiniyiin ah ay Jimicihi sameeyeen banaanbaxyo rabshado xaddhaaf ah watay.Warka ayaa lagu sheegay in ciidanka Israel lagu tuuray bam gacmeed, sidoo kalana ay ciidamada dhowr jeer dib u riixeen Falastiiniyiin isku dayay in ay ka gudbaan xadka.

    Banaanbaxyadaan oo hadda noqday todobaadle ayaa ka bilowday xadka Gaza 30-ki bishii March ee sannadkaan. Waxaa soo abuubulay ururka Hamas.

    Tan iyo markaasi waxaa la dilay 137 ruux oo Falastiiniyiin ah. Israel waxay sheegtay in ay difaaci doono xuduudkeeda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.