Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»War-murtiyeed:-Shirka shanaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka.
    Somalia

    War-murtiyeed:-Shirka shanaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 30, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), waxay martigelisay kulankii Shanaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirada Darstuurka ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalkaiyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasoolagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 29-30 Juun 2018.

    Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Dr. Xuseen Cabdi Cilmi waxaana soo xiray Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil

    UJEEDOOYINKA KULANKA SHANAAD EE MADASHA:

    Kala warqaadasho iyo soo jeedin warbixino ku saabsan howlaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS, Wasaaradaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir saddexdii bilood ee lasoo dhaafay (Abriil – Juun 2018) iyo Saddexda bilood ee soo socota (Luulyo – Sibteembar 2018).
    Warbixin heerka uu marayo qorshaha tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyi-gelinta Dadweynaha iyo qorshooyinka xiga.
    Waxyaabaha hortabinta leh kadib qabsoomidii Shirweynaha Qaran ee Dib-u-Eegista Dastuurka.

    Xal u helida caqabadaha ku hareereysan Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.
    QODOBADA KA SOO BAXAY MADASHA

    Wadaxaajood iyo falanqayn dheer kadib, madashu waxay isku raacday qodobadan soo socda:-

    1) Madashu waxay uga mahadcelineysaa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo martigelisay shirka shanaadee madasha.

    2) Madashu waxa ay soo dhaweeysay horumaradii laga gaaray Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee seddexdii bilood ee la soo dhaafay sida qabsoomidii Shirweynihii Qaran ee Dastuurka, tababarka tababarayaasha ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha, iyo heshiisyadii Golaha Amniga Qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo 5tii Juun 2018ka.

    3) Madashu waxa ay garwaaqsatay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee 13-16 Maajo 2018 ee ka dhacay magaalada Baydhabo kuwaasoo ku aadanaa hawlgelinta xubnaha Dowlad Goboleedyada u soo magacaabeen Gudigga La-Socodka Dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dasturka.

    4) Madashu waxaay tallaabo horumar leh ku tilmaamtay hirgelinta Tababarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka ee ka dhacaya caasimadaha Dowlad Goboleedyada.

    5) Madashu waxay isku raacday daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo ay hogaaminayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

    6) Madashu waxay ku heshiisay in si wadajir ah dhaqaale loogu raadiyo ololaha daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha si muwaadin kasta oo Soomaali ah (heer gobol, degmo iyo tuulo)fursad ugu helo ka qaybqaadashada Dib-u-Eegista Dastuurka.

    7) Madashu waxey isla garatay in Hay’adaha Federaalka ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay xaliyaan tabashada Jubbaland.

    8) Madashu waxay isla garatay in kulanka lixaad ee madasha la qabto Sibteembar 2018ka.

    9) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka, Hay’adaha Caalamiga iyo Hay’adaha Soomaaliyeed ee Maxaliga ah taageeradoodaku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.

    SAWIRRO :

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.