Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaramad Midoobey oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay Munaasabadda 1-da Luulyo
    Somalia

    Qaramad Midoobey oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay Munaasabadda 1-da Luulyo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 2, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 58aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.

    “Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhammaan dadka Soomaaliyeed, ee ku nool wadanka iyo dunida dacaladiisa, In kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana Soomaalida waxay ku faani karaan horumarka la sameeyay,” ayuu yiri Mudane Keating. “Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad siyaasadeed iyo rajo badan oo laga qabo nabadgalyadda iyo mustaqbal wanaagsan.”

    “Waxaan si diirran u amaanayaa Madaxweynaha, Ra’iisul iyo dowladdiisa inay ka go’an tahay in ay dib u habeyn ku sameeyaan dhan kasta ha ahaato dhaqaalaha, amniga ama arimaha siyaasadeed, waxayna ku boorinayaan dhammaan hoggaamiyeyaasha, ha noqdaan qaybaha dadweynaha guud ama qaybaha gaarka ah, in ay la shaqeeyaan iyaga si ay u gaaraan natiijooyinka {Himilooyinka} dadka. Gaar ahaan Dhalinyartu waxay ka rajeynayaan hoggaamiyayaashooda waddanka  shaqooyinka iyo fursaddo, xasilooni xag amniga ah iyo helitaanka adeegyada kale.”

    “Wax badan ayaa laga guul gaaray 12 bilood ee lasoo dhaafay. Waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul soo fool lahayd, iyadoo la kordhinayo dakhliga iyo deeqaha, loo marayo sharciyo muhiim ah iyo iyado la cadeynayo  xirirka shaqo ee ka dhaxeeya Xukuumadda federalka iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda, iyado ay sii dheertahay dib u eegista dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka, iyo dib u habeynta qeybaha amniga”

    “Wadada horteena ah waa mid aad u dheer, caqabadahuna waa in aan la dhayalsan, ugu yaraan awoodda burburinta rabshadaha xagjirnimada iyo khatarta khilaafka siyaasadeed iyo khilaafaadka kale waxay wiiqi doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu gaaro natiijooyin  faa’iido u leh Soomaalida. Laakiin ajandaha ay dawladdu samaysay waa mid wanaagsan oo u qalma midnimada qaranka iyo taageerada caalamka waqtigan.

    “Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay si dhow ula shaqaynayaan dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada si ay uga caawiyaan in ay gaaraan natiijooyinka, oo ay ugu muhiimsan yihiin Amniga, Shaqooyin iyo Adeegyada kale, iyo in la sameeyo arimahan si ay u xoojiso nidaamka sharciga, wadajirka iyo isla xisaabtanka. Qaramada Midoobay waxay u soo jeedineysaa sanad guuradan iyadoo u rajeyneysa midnimo dhammaan umadda soomaaliyeed sanadyada soo socda.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.