Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas oo qaabilay wafti sare oo ka socda hay’ada ICRC
    Somalia

    Madaxweyne Gaas oo qaabilay wafti sare oo ka socda hay’ada ICRC

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 3, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 3 July 2018 xafiiskiisa Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya MR. Simon Brooks.

    Wafdiga hay’adda ICRC ee uu hoggaaminayey MR. Simon Brooks ayaa waxaa ka mid ahaa kuxigeenka madaxa ICRC Mr. Gauthier John Lefevre, isu duwaha hay’adda ICRC Soomaaliya Peter Lick iyo Madaxa hay’adda ICRC xafiiskeeda Puntland Abdifatah Fandhaal.

    Kulanka Madaxweynha iyo hay’adda ICRC oo ka dhacay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa looga hadley halka ay marayaan mucaawinooyinka bani’aadaminimo iyo mashaariicda kale ee ay Hay’adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland sida Caafimaadka, biyaha iyo kaalmada qoyska.

    Sidoo kale Madaxa Hay’ada ICRC Soomaaliya Simon Brooks ayaa Dawladda Puntland uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland, islamar ahaantana sheegay in Dawladda Puntland iyo Hay’adda ICRC ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan, sidoo kalena tibaaxay inuu arko isbadal baahsan oo ah dhinaca horumarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha  Puntland ah, isbedelkaas oo si baaxad leh umuujinaya in afartii sano ee lasoo dhaafay hore loo kacay, ka Hay’ad ahaana ay ka shaqeenayaan u adeegida iyo taakulaynta shacabka ku nool magaalooyinka iyo dadka reeguuraaga ahba.

    Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa uga mahad celiyey Ha’yada ICRC shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan Puntland, islamarkaana ku booriyey iney kor u qaadaan adeegyadooda, welibana loo baahan yahay in si mug weyn loo eego wax ka qabashada abaaraha soo noq-noqdey oo mar welba saameeya nolosha reer guuraaga ah iyo guud ahaan shacabka reer Puntland, islamar’ahaantana waxaa uu madaxweynuhu sheegey in ay muhiim tahay in la helo ceel biyoodyo iyo biyo xireeno dheeriya si looga hortago xaalufka abaaraha iyo biyo la’aanta.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  madaxa hay’adda ICRC Soomaaliya MR. Simon Brooks ku adkeeyey muhiimada ay lee dahay in si dhow loola socdo xaalada dadka abaarahii ay saameeyeen, kuwaas oo sida Madaxweynuhu sheegay u baahan in si gaara loola socdo xaaladooda caafimaad iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.

     

    =DHAMMAAD=
    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND
    .

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.