Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Waa sidee xaalka xuquuqda bini’aadanka Ee Jeel Ogaadeen Jig-jiga?
    Somalia

    Video:-Waa sidee xaalka xuquuqda bini’aadanka Ee Jeel Ogaadeen Jig-jiga?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 5, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa faafaahin ka bixinaysa sida ciidamada Ammaanka Itoobiya ay jirdilka ugu gaystaan islamarkaana ay u kufsadaan maxaabiista siyaasadda ee gobolka Soomaalida Itoobiya.

    Warbixinta oo ka kooban 88 bog islamarkana ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeeynaysa tacadiyo saraakiisha Itoobiya iyo booliiska deegaanka ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen “jeel ogaadeen” .

    Inta badan maxaabiista ayaa xabsiga la dhigay iyaga oo aan wax maxkmad ah la soo taagin sida ku cad warbixinta.

    Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in inta badan dadka lagu xiro xabsiga “jeeyl Ogaadeeniya” ay yihiin kuwa lala xiriiriyo in ay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF oo ah mucaarad dalkaasi laga mamnuucay.

    Hay’adda Human Rights Watch ayaa wareysiyo ka qaaday in ka badan 100 qof, oo intooda badan ka mid ahaa maxaabiistii Jail Ogadeeniya ku xirneyd sanadihii u dhaxeeyay 2011 iyo 2018.

    Dhibanayaashani ayaa ka sheekeeyay sidii loogu hor garaaci jiray maxaabista kale hortooda iyaga oo qaawan.

    Mid ka mid ahaa maxaabiistii horey halkaasi ugu xirnaa ayaa sheegay in muddo 3 sano ah kaligii uu qol ku xirnaa islamarkana markii habeenkii la gaaro la soo bixin jiray si loo jirdilo.

    Saraakiisha booliiska ayaa lagu eedeeyay in aysan amri jirin oo kali ah jirdilka iyo kufsiga, balse ay sidoo kale ka qayb qaadan jireen.

    Warbixinta hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegaysa in caruur badan ay ku dhisheen xabsiga Jeel ogaadeeniya islamarkana caruurtaasi sida la sheegay qaarkood ay ahaayen kuwa dhashay ka dib kufsi ay gaysteen ilaalada xabsiga.

    Qaar ka mid ah maxaabiista haweenka ah ayaa sheegay in ay xabsiga ku dhex umuleen iyaga oo aan helin adeeg caafimaad.

    Aqlabiyada maxaabiista ay wareysiyada ka qaaday Human Rights Watch ayaa sheegay in aan waligeed aan maxkamad la soo taagin oo aan dacwad lagu soo oogin.

    Hay’adda Human Rights watch ayaa intaa ku dartay in jirdilka uu yahay dhibaato ka jirta dalka Itoobiya islamarkana ay soo gaaraan maalin waliba warbixinno ka hadlaya tacadiyo.

    Rai’sul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa qiray in ciidamada ammaanka ay jirdil u gaysteen dad Itoobiyaan ah.

    Waxaa imika sii kordhaya baaqyada ku aadan in cadaaladda la horkeeno oo lala xisaabtamo dadkii ka dambeeyay dacadiyadan,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/NhlM8MhbWow

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.