Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xadhigga Ka Jaray Hospital Cusub.
    Somalia

    Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xadhigga Ka Jaray Hospital Cusub.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 6, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xadhigga Ka Jaray Hospital Cusub.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo taariikhdu tahay 06-july 2018 xadhiga ka jaray Hospital casri ah oo laga hirgaliyey magaalada Garoowe.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka Hospitalka Wasiirka caafimaadka Puntland, qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, dhakhaatiir, isimo iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

    Hospitalkan casriga ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Carafaad Hospital waana Hospital si casriya loo dhisay lehna adeegyo baahi wayn ay u qabeen shacbka Puntland, wuxuuna kakoobanyahy qaybaha qaliinka, shaybaarka , hooyada iyo dhalaanka iyo qayba badan oo bulshada baahideeda daboolaya.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 00 khudbad muhiima ka jeediyey xafladii xadhig jarka ayaa yiri”

    ” Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo xafladdaan isbitaalka cusub oo waxbadan oo dhanka caafimaadka ah kusoo kordhinaya magaalada, marka hore waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa wasaaradda caafimaadka Puntland oo runtii sanadahaan dambe shaqo fiican qabatay, dhanka gaarsiinta adeega caafimaadka dhulka Puntland intiisa badan, meel walba oo dhulka Puntland ka mid ah, waxaa ka jirta baahi caafimaad oo in la daboolo u baahan. Caqabadaha caafimaad ee jira waxaa ka mid ah adeeg caafimaad oo weyn ayaan jirin oo isbitaaladu aysan dhaqaale ku bixin, beesha caalamku waxay dhaqaalihii geliyeen adeegyada hoose ee caafimaadka iyo ( MCH’yada ) marka in anagu dowlad iyo shacab aanu dedaalno oo wixii naga dhiman aan qabsano ayaa la doonayaa,

    dhowaan waxaa halkaan laga dhisi doonaa isbitaalka ugu weyn ee Puntland oo yeelan doona qeybihii kala duwanaa ee isbitaal looga baahan yahay, kuwaas oo takhasus leh, waxaana naga taageertay dowladda Jarmadka, wax badan oo dibadda loo aadi jiray ayaa looga maarmi doonaa, waxaa la hirgalin doonaa isbitaalo badan oo dadka anfaca inshaa Allah, Waxaan rabaa in aan bogaadiyo dhalinyarada oo ah jiilka cusub ee shaqada wanaagsan haya, intooda badana dalka wax ku bartay dedaala oo dhaqaalihiina isku geeya isbitaalo waaweyna dhisa,

    Ugu dambayntii Madaxweynah dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dadka reer Puntland ugu baaqay in dalka lagu soo kordhiyo adeegyo cusub oo bulsada anfac u leh lana darso baahiyaha lagama maarmaanka u ah dadka oo dibadda loo aado.

    =DHAMMAAD=
    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.