Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo si xoog leh u naqdiyay qadiyada Somaliland fariin adagna udiray
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo si xoog leh u naqdiyay qadiyada Somaliland fariin adagna udiray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 19, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlayay xalay qaar kamid ah Jaaliyaddaha Puntland ee Qaaradda Yurub oo shir ku qabsaday magaalada Brussels ayaa si aad ah uga hadlay xaaladda gobalka Sool iyo dagaalka looga xoraynayo Soomaaliland.

    Gaas ayaa caddeeyey in ay ka go`an tahay soo celinta Sool, oo aan ku soo laabaneyn hadalo, ciidamo iyo deeqo la aruursho, balse kusoo laabanaysa talaabo la qaado iyo ilaahay oo lagu kalsoonaado, maadaama uu sheegay in weerar lagu soo qaaday dhankooda.

     

    ”Wax la yiraahdo Somaliland majirto,dhul Somaliyed oo ingiriisku ku maysan jiray ayaa jira,sidoo kale Lixdan-kii Calanka la saaray ma ahayn midka hada ay haystaan mahan ee waakaa Buluuga ah,Cabdullaahi Suldaan Timacade oo isaaq ah ayuu ahaa Ninkii lahaa Sareeyoow ma nusqaamoow kana siin kana saar”ayuu yiri madaxweyne Gaas.

    ”Sheegida iyo buunbuuninta magca Somaliland waxa kaliya ee laga faa’ido waa sadex arimood oo kala ah”,ayuu yiri ‘Madaxweyne Gaas.

     
    1.Cayilin Goonigoosad
    2.Somaliland is mahdisa.
    3.Dadka reer Waqooyi oo la jahwareeriyo.
    ‘Wada hadalada Somalilland iyo Somaliya wax kasoo baxaya majiraan hadaan idin sheegaya,sababtana aan iidn raaciyo. Masuul Somaliya oo Madaxweyne ama ra’isalwasaare ah oo ku dhaca in uu yiraahdo ha iska tagto Somaliland majiro,sidoo kale ina Kaahin iyo Muuse Biixi kuma dhacaan in ay yirahadaan hargaysa Xamar baan ku daraynaa,marka maxaa laysku daalinyaa meesha xaqiiqdu waa intaase”,ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
    ”Hadaanba tooda uraacno oo ogolaano magaca Somaliland iyo in ay go’aan oo doodooda ah waaa nala laayay oo nala dulmiyay aan aqbalno,maxay iyaguna u diidayaan in Dhulbahante iyo Warsangeli ay diidaan gooni goosadka oo siday xor u yihiin iyaguna xor unoqdaan oo uga sii go’aan meeshay rabaana aadaan”,ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

    ”Axmed Siciid Samatar waxuu rabaa in uu sameeyo taariikh been abuur ah oo hada la yag-yagayo,maalin dhawayd isagoo 50-Riyood oo gees jaban wada ayuu furinta dagaalka yimid,saasuu rabaa in uu muuse kaga helo Wasiirka arimaha Dibada ee maamulkiisa”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

    Si dhab ah ayuu noogu fasiray waxa uu yahay Axmed Siciid samatar,sidoo kale hadalkii ku haboonaa ayuu ku riday Madaxweyne Gaas.

    ”Cali Khaliif wax ka sheeg maleh,sababtoo ah qofku markuu jiran yahay waa loo duceeyaa ee lama maago,cali rabi ha caafiyo xanuun xun baa haya ,kaasoo ah midka ku jeclaysiiya qofka ku dhiba badanaana Dumarkuu ku dhacaa raga kuma dhaco”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.Hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/c1gy5P-6W-Q

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.