Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khilaafka Farmaajo iyo Khayre muxuu salka ku hayaa?
    Somalia

    Khilaafka Farmaajo iyo Khayre muxuu salka ku hayaa?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 24, 2018Updated:July 24, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kala duwanaasnho aragtiyeed oo mudo soo jiitamayay kadib waxuu isku badalay khilaaf aan caadi ahayn oo ka dhex qarxay labo masuul oo ku faani jiray in aysan marna is khilaafin wakhtigoodana ku dhamaysan doonaan wada shaqayn wanaagsan.

    Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isalwasaare Khayre waxuu marayaa khilaafkoodii meel xiiro xiiro ahaa,iyadoo saacadba saacada kasii danbaysa ay sii kala irdhoobayaan labada masuul.

    Ra’isalwasaare Khayre waxuu ciyaarayaa kubad siyaasadeed oo adag,waxuuna wadaa diyaar garow dhan walba ah.waxuu bilaabay urursi siyaasiyiin mugleh,dhaqaale iyo Ciidan,sidoo kale waxuu ugacn haatiyay madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fadaraalka.

    29-ka bishan waxuu gaari doonaa isaga iyo wafti balaaran uu hogaaminayo caasimada Puntland ee Garowe,halkaas oo uu kaga qaybgali doono sanadguurada 20-aad ee Puntland,waxuuna soo dhagaxdhigi doonaa mashruuca dhismaha Dekeda Garacad.

    Hadaba aan bidhaamino qodobada ugu muhiimsan ee saldhiga u ah khilaafka sii xoogaysanaya ee dhexyaal labada Nin waa Farmaajo iyo Khayr……

    1.Farmajo saaxiibadiis oo shaqada qaar laga cayriyey
    ( Juxa, Taliye Saacid, Maryan Qasim oo shaqadeedii lala wareegay,Yuusuf Jaalle agaasimihii Haya’dda Duulista Hawada, Wasiir ku xigeen Cilmi Caysane.Yuusuf Garaad wasiirkii arimaha dibada,Taabid Gudoomiyihii Gobolka Banaadir.

    2. Wuxuu Kheyre diiday in shaqada laga qaado Wasiirka Amniga iyo Arrimaha Gudaha.

    3. Kheyre oo bilaabay ciidan iyo hub urursi tusaale ciiddanka Xasilinta

    4. Xisbiga uu Farmaajo rabo inuu ku hawlgalo doorashooyinka 2020 oo uu rabo inuu noqo Tayo.

    5. Kheyre oo raba inuu ku hawlgalo Xisbiga Nabad iyo Nolol

    5. Kheyre oo xulufo la noqday Axmed Madoobe iyo Farmajo oo u arka in Axmed Madoobe meesha laga wareejiyo.

    5. Kheyre oo Sharif Hassan xulufo la noqday iyo Farmaajo oo ay sharifka colaad hore ka dhexaysay.

    6. Arrinta Imaaraadka iyo Itoobiya oo dhinac ah iyo Qatar oo dhinaca kale ah.

    8.Khayre oo amarkii wadooyinka in la furo ka diiday Farmaajo.

    9.Arrimaha Xajka oo Kheyre leeyahay diyaaradaha Daallo iyo Jubba ha loo daayo,diyaaradahaas oo ay leeyihiin beelaha Hawiye iyo Isaaq,halka Farmaajo uu leeyahay 3-diyaaradood oo kale ha lagu daro,kuwaasoo iyagana ay kala leeyihiin beelaha Dir iyo Daarood.

    isku soo wada duuboo khilaafka labada Nin ayaa maraya heer xun,ilaa iyo hada ra’isalwasaare Khayre waa ka gows adaygayaa in dhexdhexaadin laga galo,balse Madaxweyne Farmaajo waxuu diyaar u yahay gorgortan iyo in meel dhexe layskugu yimaado.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.