Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tubta la hayo Xaqiiqadeedu waa \Geeri iyo Gaajo\ ee maahan mid ah \Nabad iyo Nolol\!!!\n
    Somalia

    Tubta la hayo Xaqiiqadeedu waa \Geeri iyo Gaajo\ ee maahan mid ah \Nabad iyo Nolol\!!!\n

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 26, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Waa inaan wax iska waydiinno shacabka Soomaaliyeed ee ku dhex nool gudaha dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ma waxay ku sugan yihiin intooda badan xaalad u dhaxaysa “Geeri iyo Gaajo” oo ay keeneen caqabadihii ka dhashay muddada dalku soo ahaa dawlad la’aanta jirta iyo codaadda dheeraatay taasoo iyana kumanaan shacab ah barakisay.
     
    MACNAHA NABAD IYO NOLOL!
     
    Xaggee ka yimaadeen erayada maanta dowladdu ku weerarisay dhagaha dadweynaha ee Nabad iyo Nolol?
     
    Erayadaan waxaa Afka qalaad lagu yiraahdaa “Peace and Life”, xaqiiqada dhabta ah waxaa weeye inay la macno yihiin Geeri iyo Gaajo ) ama (Death and Hunger) xaaladdani ay shacabku ku jiraan waa in warbaahinta Madaxabanaan iyo dadka aqoonta leh ay si Soomaalinimo ah xaqiiqada jirta ugu caddeeyaan.
     
    Taariikhda Soomaaliya marnaba shacabka ma aynaan helin nooc hoggaan oo leh aragti siyaasadeed iyo mid waddaninimo oo isku dheelitiran lehna sife daacadnimo iyo mid awood oo guuleysata lana dareemi karo.
     
    Haddaan iswaydiinno shacabka Soomaaliyeed ma waxay ku sugan yihiin marxaladda madaxtooyada ugu magac dartay Nabad iyo Nolol mise waxay ku jiraan Marxalad u dhaxaysa Geeri iyo Gaajo labadani aragti tee xaqiiqda u dhow in umaddu ku sugan tahay?!.
     
    Inta badan madaxda ku guuleysata hoggaanka Soomaaliya kursiga Madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka waa kuwa iska illowsiiya ballan qaadka ay sameynayaan marka ay ku jiraan ololaha guushooda ka hor.
     
    Arrinkani waxaa sabab u ah in uusan jirin xisaabtan ka yimaada bulshada ay madaxda u yihiin, waayo dadka ayay u kala qeybiyaan qeyb isaga xigta iyo qeyb aan isaga u xisaabsaneyn(Masuul kasta qaabka beeleed oo uu ku yimid, ayuu ugu adeegaa bulshada)!
     
    Waxaan falanqeyntani ku soo gabagabeynayaa marxaladda shacabka Soomaaliyeed ku sugan yihiin waa kuwa aad u adag tusaale amni darrada ayaa u horreysa waa tii maalin cad in ka badan 500 oo qof ay ku dhinteen Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, adeegyo dowladeed oo shacabku heysan, caafimaad la’aan, waxbarasho la’aan oo ay sii dheer tahay xasarad siyaasadeed oo dalku uusan marnaba ka bixin muddada burburkani lagu guda jiray.
     
    Raja kasta oo u soo bidhaanta shacabkani daalan waxaa halakeeya khilaafyo siyaasadeed iyo isjiid-jiid soo banbaxa wax yar uun kaddib marka la isyiraahdo mustaqbal wanaagsan baa soo iftiimaya.
     
    Allaha dhibka ka saaro Soomaaliya, balse madaxda dalku waa inay la yimaadaan tallaabooyin ka run sheegeya rajo fiican oo leh mustaqbal guuleysta.
     
    Danjire Mohamed Caalim
    caalim68@hotmail.com
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.