Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Soomaaliya iyo Eretereya oo kala saxiixday heshiis
    Somalia

    Video:-Soomaaliya iyo Eretereya oo kala saxiixday heshiis

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 30, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo saddexdii maalmood ee tagey ay wada-hadallo uga socdeen magaalada Asmara ayaa kala saxiixday heshiis afar qodob ka kooban, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Eritrea.

    Afarta qodob ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Isaias Afwerki ay ku heshiiyeen ayaa kala:

    1-Soomaaliya waxaa lagu maneystay inay ku taal bar istaraatiiji ah, waxayna leedahay kheyraad daabiic ah iyo mid aadami. Si kastaba, waxaa ka faa’iideysasha kheyraadkaas ka hor-istaagay dhibaato gudaha ah iyo faragelin dibedda ah. Sidaas darteed Eritrea waxa ay si xooggan u taageereysaa madaxbannaanida siyaasadeed, qarannimo iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadaallada dadka iyo dowladda Soomaaliya ay kusoo celinayaan maqaamkii ay Soomaaliya mudneyd iyo ku guuleysashada himilooyinka ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin..

    2-Soomaaliya iyo Eritrea waxay isku dayi doonaan inay dhisaan xiriir aad u dhow oo siyaasadeed, dhaaale, bulsho, dhaqan iyo sidoo kale wada shaqeyn difaac iyo mid amni.

    3-Labada waddan waxay aas-aasi doonaan xiriir diblomaasiyeed ayaga oo is-dhaafsan doona safiiro, waxayna sare u qaadi doonaan xiriirka ganacsi iyo kan maal-gashi, ayaga oo sidoo kale is-weydaarsan doona waxbarashada iyo dhaqanka.

    4-Eritrea iyo Soomaaliya waxa ay ka wada shaqeyn doonaan xoojinta nabadda, xisloonida iyo is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka,hoos ak daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/y7rJDtzEJCY

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.