Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Jabuuti Oo Si Kulul U Cambaaraysay Booqashadii Farmaajo Ku Tegay Eritrea
    Somalia

    Dowlada Jabuuti Oo Si Kulul U Cambaaraysay Booqashadii Farmaajo Ku Tegay Eritrea

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 1, 2018Updated:August 1, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Jabuuti Magaalada Muqdisho maanta ayaa lagu sheegay in shacabka iyo dowladda Jabuuti ay si weyn uga naxeen hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya intii uu booqanayey magaalada Asmara ee ahaa baaqii uu QM kaga codsaday inay cunaqabteynta ka qaado dalka Eritrea.

    โ€œShaki kuma jiro inay in Soomaaliya ay tahay dowlad xor ah xaq u leh iney xiriir diblomaasi la yeelato dalalka gobolka, balse ma aha wax la aqbali karo in walaalaheen Soomaaliyeed ay taageeraan Eritrea oo heysata dhul ay leedahay Jabuuti, welina diidan in heyso maxaabiis Jabuutiyaan ah ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Jabuuti ee magaalada Muqdisho oo ahaa mid aad u kulul.

    Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in Eritrea ay laga soo bilaabo sanadkii 2009 nabadgelyo iyo xasilooni darro ku heysay dalalka deriska la ah, iyadoo taageereysay ururo aragagixiso ah iyo muranka xuduudka ee ay kula jirto dalka Jabuuti.

    Waxaa kaloo safaaradu ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay si indho laโ€™aan ah u taageertay Eritrea iyadoo aan wax qiime ah weydaarsan.

    โ€œLooma dul-qaadan karo wadahadalka aan damqashada lahayn xilli ay ciidamadeena halkan u joogaan inay difaacaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliyaโ€ ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

    Jabuuti ayaa si weyn uga carootay socdaalkii Madaxweyne Farmaajo ku tegay Asmara iyo baaqiisii ahaa in cunaqabateynta laga qaado dalkaasi, waxaana qoraalka lagu sheegay inay habooneyd in madaxweynaha Somalia uu soo hadal qaado dhibaatada u dhaxeysa dalalka Jabuuti iyo Eritrea sidii xal loogu heli lahaa.

     

     

    Halkan ka akhriso:-

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.