Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Puntland oo Ka Hadashay Xoolihii Sucuudigu Soo Celiyey.
    Somalia

    Dowladda Puntland oo Ka Hadashay Xoolihii Sucuudigu Soo Celiyey.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 10, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Sacuudiga ayaa dib u soo celiyay xoolo ka dhoofay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaana xoolahaasi lahaa Ganacsato ka soo jeeda degaanada Puntland.

    Markabka oo lagu magacabo Alafa ayaa waxa uu siday xoolo gaaraya 28,000 neef oo Arri ah, iyada oo arrintan ay war ka soo saartay Puntland.

    Wasiirka wasaaradda xanaanada iyo ee dowladda Puntland Cabdulllaahi Sheekh Axmed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay Arrigan inuu ahaa kuwii loogu tala galay Ciidul Adxaa.

    Mudane Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa waxa uu sheegay sida ay maqleen xoolahan in laga helay cudur, sidaasi darteedna loo soo celiyay, waxaana Markabkan berri uu ku xiranayaa Dekada magaalada Boosaaso.

    “Waa Markab la soo celiyay, weli runtii ma imaan, maalin dhaweyd ayaan ku rarnay xoolahaas oo dhammaantood ah Arri, waxaa la soo sheegayaa in laga helay cudur, annaguna waxaan aamin sanahay inaanu jirin warkaasi, berri ayay na soo gaarayaan.” Ayuu yiri Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.