Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Baarlamaanka Fadaraalka oo ansixiyay Golaha wasiirada cusub
    Somalia

    Video:-Baarlamaanka Fadaraalka oo ansixiyay Golaha wasiirada cusub

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 29, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ayaa codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo dhisay.

     Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay qorshaha Xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto muddada afarta sano ee soo socoto, waxaana uu baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan Golaha Wasiirada oo arrimahan fulin doono.

    Kulanka Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa waxaa soo xaadirtay 241 mudane, waxaana codka kalsoonida ah siiyay 224, 15 mudane waa ay diideen, waxaana ka aamustay labo mudane,  sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa isla goobta ku dhaariyay Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo dhaarinta kadib hadlay ayaa golaha shacabka uga mahadceliyay sida codka kalsoonida ah ay ku siiyeen barnaamijka Xukuumadda ee afarta sano iyo golaha Wasiirada cusub, waxaana uu u balan qaaday in uu jiri doono isla xisaabtan.

    Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa Xildhibaannada golaha Shacabka uga mahadceliyay sida codka kalsoonida ah ay u siiyeen Golaha Wasiirada cusub.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    August 11, 2025

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    August 10, 2025

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Waa kuma Sarkaalka noqday Talyaha Africom?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.