Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»ONLF iyo Dowlada Itoobiya oo wada xaajood ubilowday
    Somalia

    ONLF iyo Dowlada Itoobiya oo wada xaajood ubilowday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 13, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xubna sare oo ka socda Jabhadda ONLF ayaa fiidnimadi xalay gaaray magaalada Addis Ababa, wafdiga oo uu hoggaaminayey afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Cabdulqaadir waxay ka kooban yihiin 3 xubnood oo sare.

    Wafdiga waxaa gigada diyaaradaha caalamiga ee Bole ku soo dhaweeyey wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha isgaarsiinta dawladda Itoobiya Kaasaahun Gofe.

    Caddaani oo ka warramaya sababta keentay iney Itoobiya tagaan ayaa wuxuu sheegay in ay tahay mid ay kaga jawaabayaan baaqa uu u soo jeediyey Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed.

    Sida oo kalana wakhti xaadirkan xaaladda deegaanka Soomaalida uu ku sugan yahay sidii wax looga qaban lahaana iney si deg deg ah ku yimaadeen.

    Wuxuuna intaa ku daray laga billaabo in jabhaddu xabbad joojin iskeed ay ugu dhawaaqday maadaamaa ay dooneyso iney gobolka xabbad dambe ka dhicin oo deegaanka Soomaalidana xal waara looga gaara.

    Wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha isgaarsiinta dawladda Itoobiya Kaasaahun Gofe wuxuu isna sheegay iney xisbiya badan oo mucaarad ahaa ay dalka yimaaddeen.

    Golaha wakiillada shacabka oo horay Jabhadda ONLF u aqoonsaday inuu ka mid yahay ururrada argagixisada wuxuu ka tiray liiska aragagixisada wuxuu baarlamaanka uu Jabhadda ONLF u aqoonsaday iney tahay jabhad xaq u dirir ah oo halgan ku jirto.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.