Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-madaxweyne Gaas oo maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafuud heer caalamiya
    Somalia

    Video:-madaxweyne Gaas oo maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafuud heer caalamiya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 29, 2017No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti ay hogaminaysey Safiirka wadanka Filand u qaabilsan arrimaha Soomaliya Miss. Tarja Fernandez oo ah markii ugu horaysey ee ay timaado Puntland.

     

     

    Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Ku wehelinaayey masuuliyiin ka tisan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

     

     

    Kulanka oo ay debed joog ka ahaayeen warbaahintu ayaa waxaa markuu soo idlaaday Madaxweynaha Dawladda Puntland uu sheegay warfidiyeenada in Puntland iyo Dalka Finland ay leeyihiin xiriir aad u wanaagsan isla markaana ay ka dhexayso wadashayn dhow.

     

     

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tibaaxay  in ay safiirka iyo weftiga wehelinayey ka wada hadleen Mashaariicaha horumarineed ee dawladda Filand ay ka fuliso Puntland iyo sidii ay usii horumarin lahaayeen, isla markaana  ay ugu dedaalilahayeen sidii ay ugu soo dhamaan lahaayeen guul dhamaan mashaariicdaasi.

     

     

    Dhica kale Safiirka wadanka Finland u qaabilsan arrimaha Soomaliya Miss. Tarja Fernandez ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay wada shaqyanta Puntland iyo dalkeeda isla markaana ay sii wadidoonaan wadashaqayntaasi ay la leeyihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana ay intaasi raacisay in ay Dawladda Puntland iska kaashadaan badiyaaba arrimaha caafimaadka.

     

     

    Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawladda Finland uga mahad naqay wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay diyaar u yihiin joogtaynta iyo dardar gelinta wada shaqayntaasi.

    –DHAMMAAD—

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

     

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta 29 March 2017 xafiiskiisa Madaxtooyada Garoowe  ku qaabilay wefti ka socdey Qaramada midoobey oo uu hogaaminayey Mr. Serge G. Kubwimana.

     

     

    Kulanka uu layeeshay Madaxweynehu weftigan ayaa waxaa ku weghwlinayay masuuliyiin ka tisan goloyaasha Dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

     

     

    Weftiga uu hogaaminayey Mr. Serge G. Kubwimana ayaa ka soo kicitimayay Jamciyada Quriuumaha Kadhexaysa ee New-york, waxaana ay Madaxweynaha kawada hadleen arrimo la xiriira sidii Soomaliya ay ku gaari lahayd doorasho hal qof iyo hal cod ah 2020 iyo sidii looga midha dhalin lahaa nindaamka xisbiyada badan ee uu madaxweynuhu daahfuray.

     

     

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn  ku soo dhoweeyey weftiga Puntland gaar ahaan Madaxtooyada Garoowe oo uu kulan koodu ka dhacay, waxaana uu madaxweynuhu u sheegay weftiga in aanay fududayn sidii Soomaaliya looga hirgelinlahaa doorasho hal qof iyo hal cod ee ay u baahan tahay dedaal aan joogsi lahayn isla markaana ay lagama maarmaan tahay in lasameeyo qorshe cad oo lagaga hortegi karo caqabadaha manta hortaagan Soomaaliya.

     

     

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shay in beesha caalamka loo baahan yahay inay doorfiican ka qataan sidii soomaaliyo 2020 loo gaadhsiin laha hiigsiga hal qof iyo hal cod taas oo uu micneheedu yahay in aftidda shacabka lagu gaadho doorasho xor iyo xalaala, isla mar’ahaantaana waxa uu cadeeyey in Dawladda Puntland ay markasta diyaar u tahay kamidha dhalinta arrinkaasi.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wetiga u sheegay in Puntland dhowaan ka hirgeli doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah, maadaama uu daahfuray Madaxweynuhu nidaamka xisbiyada badan, isla mar ahaantana ay ka mid ahayd balan qaad yadiisi doorashada kahor inta aanu Madaxweynaha ka noqon Puntland.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa weftiga la qadaa dhigay in arrimaha doorashoyinka ka Soomaliya ay hormuud u tahay Puntland, isla markaana ay wadada doorasho hal qof iyo hal cod ah dhowaan u jeexi doonto Puntland guud ahaan Soomaaliya oo dhan.

    –DHAMMAAD—

    XAFIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA HIDdAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.