Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xaakim Xayiraadii Trump amar kale oo hor istaagaya soo saaray
    Somalia

    Xaakim Xayiraadii Trump amar kale oo hor istaagaya soo saaray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 30, 2017Updated:March 31, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xaakim ka tirsan Federaalka Maraykanka oo jooga Hawaii ayaa wakhti aan la cayimin kordhiyey inay sii jirto hakinta amarkii socdaalka ee uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Islaam ah.

    Xukunka xaakim Derrick Watson ayaa micnihiisu wuxuu yahay in Mr Trump laga hor joogsado dhaqan galinta mamnuucista socdaalka ee Mr Trump inta maxkamadaha la isla marayo.

    Dacwad ayuu gobolkaas ku sheegay in mamnuucista ay waxyeello u gaysanayso dalxiiska iyo awoodda uu gobolka uu ku qoran karo arday iyo shaqaale ajnabi ah.

    Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in mamnuucistiisa dib u eegista lagu sameeyey ay hor istaagayso argagixisada inay soo galaan Maraykanka.

    Xaakim Watson ayaa xukunka soo saaray Arbacadii, ka dib markii uu dhagaystay doodda qareennada ka kala socday gobolka Hawaii iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanka.

    Go’aankiisii hore ee ahaa in si KMG ah loo hakiyo dhaqan gelinta xayiraadda ayuu ka daba keenay amar ah in aan la dhaqan gelin xayiraadda ilaa iyo inta kiiska go’aan laga gaarayo.

    Madaxweyne Trump ayaa 6 Maarso soo saaray amar madaxweyne oo muddo 90 maalmood ah ka mamnuucaya muwaadiniinta Iiraan, Liibya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen, 120 maalmoodna mamnuucaya qaxootiga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    August 11, 2025

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    August 10, 2025

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Waa kuma Sarkaalka noqday Talyaha Africom?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.