Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo dukhayn ku dilay xubno ka tirsan Alshabaab
    Somalia

    Maraykanka oo dukhayn ku dilay xubno ka tirsan Alshabaab

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 29, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn cusub oo ay ka gaysatay Soomaaliya lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

    Hawlgalka milatariga Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqayntan ay ka dhacday meel illaa 40 km dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

    Duqayntan ayaa dhacday maalintii Isniinta, waxaana AFRICOM ay sheegtay inaanay dad rayid ah waxba kasoo gaadhin duqayntaas.

    Duqayntan ayaa noqonaysa tii 21-aad ee milatariga Maraykanku ka gaystaan Soomaaliya sannadkan 2018-ka, waxaana dhammaan duqaymahaasi ay ahaayeen kuwo lala beegsaday ururka Al-Shabaab.

    Duqaymahan ayaa Maraykanku ay ku dileen tobannaan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaa sidoo kale lagu burburiyey dhowr ka tirsan baabuurta ay Al-Shabaaab oo ay qaraxyo ku rakiban yihiin, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka.

    Duqaymaha sannadkii hore dhacay ayaa ka badnaa 30 waxaana ku dhintay maleeshiyo badan oo ka tirsan Al-Shabaab. Maraykanka ayaa duqaymaha hore ku beegsanayey xubnaha muhiimka ah ee hoggaanka Al-Shabaab, hase yeeshee duqaymaha sannadkan dhacay ayaa ahaa kuwo lala beegsaday maleeshiyada askar ahaanta ugu hawl gala Al-Shabaab.

    Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in shan askari ay ku dhinteen 10 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Gobolka Lamu eee xeebta maanta.

    Qaraxan ayaa qabsaday baabuur ay saarnaayeen askarta milatariga oo ay mas’uuliyiintu sheegeen inay u socdeen tuulo si ay u gaadhsiiyaan biyo.

    Baabuurkan ayaa la sheegay inuu kormaray miinada oo la aaminsan yahay inay dhulka ku aasnayd.

    Al-Shabaab ayaa Gobolka Lamu iyo kan Waqooyi Bari Kenya ka gaysanayey qaraxyo ay la beegsadaan ciidamada Kenya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    August 27, 2025

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    August 27, 2025

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    August 27, 2025
    Latest Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.