Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo yaraynaya Ciidamadiisa jooga Qaarada Africa
    Somalia

    Maraykanka oo yaraynaya Ciidamadiisa jooga Qaarada Africa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 3, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa eegaysa in ciidamada kumandosta ee Maraykanka ay kala soo baxdo dalka Niger, isla markaana ay soo xirto badi xeryaha ay deggan yihiin ciidamada aragixiso la dirirka ee qaaradda Afrika, sida laga soo xigtay wargeyska The New York Times.

    Saraakiil wasaaradda ka tirsan ayaa wargeyska u sheegay in xeryaha militariga Maraykanka ee ku yaalla dalalka Camaroon, Kenya, Libya, iyo Tunisia, iyagana la soo xiri doono, haddii Xoghayaha Gaashaandhigga, Jim Mattis uu qorshahan ansixiyo. Hase yeeshee, militariga Maraykana ayaa si weyn u sii joogi doona dalalka Nigeria iyo Somalia.

    Sida wargeysku qoray, talaabadani waxay qeyb ka tahay istaraatiijiyad uu Maraykanku culeyska ku saarayo dagaalka baaxaadda weyn leh, halkii uu kooxo mintidiin ah uu dagaal kula jiri lahaa.

    Talaabadan ayaa sidoo kale timid, ka dib markii afar askari oo ku sugnaa dalka Niger la dilay, kuwaas oo wasaaraddu ay qiratay in gaabis dhinaceeda ka yimid ay ku dhinteen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.