Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxaa kasoo baxay shirkii deg-dega ahaa Ee Golaha Wasiirada Puntland?
    Somalia

    Video:-Maxaa kasoo baxay shirkii deg-dega ahaa Ee Golaha Wasiirada Puntland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 11, 2018Updated:September 11, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland uuna Shir-Guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimaha kala ah amniga dalka,  dhismaha wadada Jalam- Gaalkacyo iyo taageerida go’aankii golaha iskaashiga Dowladdaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

     

    Xaaladda Amniga Dalka:

    Wasaaradda Amniga oo uga warbixisay Golaha Xukuumada Dowladda Puntland guud ahaan xaalada nabadgeliyo ee dalka ayaa sheegtay in amniga dalku sareeyo loona baahan yahay in si wadajir ah loo ilaashado nabada iyo horumarka, Sidoo kale Golaha Xukuumada Dowladda Puntland ayaa faray shacabku inay la shaqeeyaan laamaha amaanka ee u taagan difaaca dalka iyo naafeynta cadowga handadaya nabada iyo wadajirka tisqaaday.

     

    Dhismaha Wadada Jalam – Gaalkacyo

    Golaha Xukumadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystey Wasaaradda howlaha Guud iyo gaadiidka oo qiimeyn ku sameysay habsami u socodka dhismaha waddada halbowlaha ah ee isku xirta Jalam iyo Gaalkacyo, Wasaaradda ayaa sheegtay in sidii loogu talagay mashruucu u socdo isla markaana uu ku dhammaan doono mudadii loo qorsheeyey.

    Sidoo kale Golaha Xukuumada Dowladda Puntland ayaa shacab weynaha Puntland u sheegay in mashruucaasi si baaxad leh u socdo dowladduna ay xilweyn iska saareyso dabagalkiisa iyo hirgalintiisaba, iyadoo asbuucaan la bilaabayo wajigii koobaad ee daamur saarida Burtinle-Xarfo.

     

    Taageerida Go’aankii Golaha Iskaashiga (GIDG)

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa uga warbixiyey Golaha xukuumada Dowladda Puntland safarkii Kismaayo ee shirkii wadatashiga Dowladdaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxuuna madaxweynahu sheegay inuu ahaa shir macnaweyn u leh ummada soomaaliyeed loogana wada hadlay masaalixda qaranka iyo geedi socodka danaha dalka iyo dadka gaar ahaan arrimaha federaaliisimka.

    Ugu danbeyn golaha xukuumada oo ku dheeraaday geedi socodka siyaasada dalka ayaa si buuxda u taageeray dhammaan go’aamadii kasoo baxay Golaha Iskaashiga Dowladdaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kismaanyo lagu gaaray 8/9/2018.

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2018/09/41387011_532285507218042_4143956317773513877_n.mp4
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.