Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Jeneral Gabre oo xabsiga loo taxaabay iyo Dowlada Somaliya oo soo dhawaysay
    Somalia

    Video:-Jeneral Gabre oo xabsiga loo taxaabay iyo Dowlada Somaliya oo soo dhawaysay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 16, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya kadibna noqday lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD balse laga ceyriyay bishi June ee sanadkan ayaa loo haystaa dambiyo la xiriira ku xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Ethiopia iyo inuu ku lug lahaa banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dadka badan ku dhinteen ee  ka dhacay magaalada Jigjiga.

    Sidoo kale Colonel Gabre oo sanado badan xaruntiisu ahayd magaalada Muqdisho ayaa loo haystaa inuu ka iibiyay hub  qeybaha kala duwan ee isku haysta siyaasada Soomaaliya.

    Dowlada Ethiopia ayaa  dhowaan bilowday inay  sharciga horgeyso saraakiishii ciidamada iyo kuwa rayid ah ee ee gabood falada ka geystey dalka Ethiopia sanadihii la soo dhaafay iyadoo xabsiga la dhigey saraakiil hore xilal uga soo qabatay ciidamada Ethiopia halka kuwa kalana weli la raadinayo.

    Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay xariga Colenel Gabre waxaana bartiisa Twitterka ku sheegay agaasimaha  warfaafinta Madaxtooyada Cabdi Nuur Maxamed in xariga Col Gabre uu yahay mid  muujineysa sida ay dowlada Ethiopia uga go’an tahay in ay ka shaqeyso xasiloonida Geeska Afrika,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2018/11/46221810_512463832497678_5287179503871721472_n.mp4
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.