Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Trump oo ka hadlay warbixinta CIA-da Ee dilkii Khashoougi
    Somalia

    Madaxweyne Trump oo ka hadlay warbixinta CIA-da Ee dilkii Khashoougi

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 18, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay inuu filayo in Talaadada nagu soo aadan lasoo saari doono warbixin dhameystiran oo ku saleysan ciddii ka dambeeysay dilkii loo gaystay weriyaha Sucuudiga u dhashay ee Jamaal Kaashuqji.

    Trump oo warbaahinta kula hadlayay gobolka California wuxuu ku tilmaamay warbixinta kasoo baxday laanta sirddoonka Mareykanka mid horudhac ah.

    Laanta CIA-da Mareykanka ayaa shalay sheegtay in amarka lagu dilay Jamaal uu kasoo baxay dhaxal sugahaa Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

    Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay beeniyeen in dhaxal sugaha uu wax ka ogaa dilka Khaashuqji.

    Afahayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Heather Nauert ayaa sheegtay in weli ay jiraan su’aalo badan oo aanan jawaab loo helin oo ku saabsan dilka.

    Waxay sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ay sii wadeyso raadinta macluumaadka dhabta ah iyo sidii caddaalladda loo horkeeni lahaa dambiilayaashii ku lugta lahaa dilka Jamaal Khaashuqji.

    Mareykanka wuxuu sheegay in weli aanan lasoo saarin baaritannada kama dambeysta ah inkastoo warbixinno ay sheegayaan in waaxda sirddoonka ay rumeysan tahay in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Kaashuqji.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horraan sheegay jawaabta Sacuudi Carabiya ay ka bixisay dilka wariye Jamal Khaashuqji ay tahay “qarinti abid ugu xumeyd oo lagu qariyo fal dil oo dhacay.”

    Wuxuuna intaa ku daray cid walba oo falkaasi foosha xun soo maleegtay kana dambeeysay “cawaaqib xun la kulmi doonto”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.