Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo borobogaando ku furay Ilhaan iyo Rashida
    Somalia

    Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo borobogaando ku furay Ilhaan iyo Rashida

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 15, 2018No Comments5 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa qorsheynaya iney loollan adag galiyaan haweenka muslimiinta ah ee ku biiray aqalka Koongareeska Mareykanka, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar.
    Tan iyo markii ay dhacday doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka, warbaahinta garabka Midig ee dalkaasi ayaa bartilmaameed ka dhigtay Ilhaan Cumar, oo ah siyaasiyadda xisbiga Dimuqraaddiga ee Soomaaliya ka soo jeedda, isla markaana xijaabka xirata.


    Haweeneydan oo garab ka heleysa xisbigeeda ayaa u xusul duubeysa in meesha laga saaro sharci 180 sano jirsaday oo aqalka Koongareeska ka mamnuucaya in ay soo galaan dadka uu madaxa u daboolan yahay.
    Baadari lagu magacaabo E.W. Jackson oo ka mid ah dadka u hadla xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa isagoo ka jawaabaya isku dayga ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ku doonayaan in xijaabka lagu galo aqalka hoose waxa uu raadiyaha ka sheegay in dadka Muslimiinta ah ay doonayaan iney Koongareska ka dhigaan “Jamhuuriyad Islaami ah”.
    Hase ahaatee, gudaha Mareykanka oo kaliya ma aha meelaha uu ka imaanayo dagaalka lagula jiro Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, oo iyadana ah gabar muslim ah oo asal ahaan ka soo jeedda Falastiin, balse waxaa jira dagaal kale oo dibadda uga imaanaya.


    Weerarro la soo qaban qaabiyay ayaa looga soo qaaday dalalka kala ah Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.


    Hase ahaatee, gudaha Mareykanka oo kaliya ma aha meelaha uu ka imaanayo dagaalka lagula jiro Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, oo iyadana ah gabar muslim ah oo asal ahaan ka soo jeedda Falastiin, balse waxaa jira dagaal kale oo dibadda uga imaanaya.


    Weerarro la soo qaban qaabiyay ayaa looga soo qaaday dalalka kala ah Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.


    Maalintii Axada ahayd ayuu Telefishinka laga leedahay dalka Sacuudiga ee Al-Carabiya ayaa wuxuu baahiyey muuqaal uu ku sheegay in Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ay qeyb ka ahaayeen isbahaysi u dhexeeya xisbiga Dimuqraaddiga iyo kooxaha islaamiga ah, ayna doonayeen iney la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska.


    Maqaalkaas ayaa labada siyaasi ku eedeeyay iney yihiin “dad ka soo hor jeeda madaxweyne Trump iyo siyaasadihiisa, gaar ahaan qorsheyaashiisa arrimaha dibadda ee ku aaddan cunaqabateynta Iiraan, xayiraadda ururka islaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin iyo dhammaan ururrada siyaasadeed ee islaamiga ah”.


    Tusaale kale oo arrintan la xiriira ayaa soo baxay, kaddib markii barnaamij dood wadaag ah lagu qabtay telefishinka ay leedahay dowladda Sacuudiga ee MBC, kaasoo looga dooday guusha haweenka xisbiga Dimuqrdaaddiga iyo sida ay xaaladda u adkaan karto marka ay xisbigaas la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska.


    Wariyaha caanka ah ee lagu magacaabo Amr Adib ayaa dooddiisa ku marti qaaday siyaasiga rug caddaaga ah ee u dhashay Masar ee lagu magacaabo Moataz Fattah, kaasoo sheegay in guulihii uu madaxweyne Trump ka gaaray la dagaallanka kooxaha islaamiga ah ay wiiqi doonaan siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ee la wareegay aqlabiyadda Koongareeska.


    Ilhaan oo dhawaan loo doortay xildhibaannimada Koongareeska, oo ay ku mataleyso xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka, ayaa ah gabar muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya labiskeedana uu ka mid yahay khamaarka madaxa lagu daboosho, balse waxaa jira xeer u yaalla aqalka ay ku biirtay oo ku qasbaya iney iyadoo madaxeeda qaawan yahay gasho golaha.


    Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa iyaguna taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga.
    BBC-da ayey Ilhaan u sheegtay in shaqada ugu horreysa ee ay qabaneyso ay tahay sidii ay u badbaadin lahayd khamaarkeeda, taasna ay garab ku siiyeen siyaasiyiinta kale ee xisbigeeda saameynta ku leh.


    “Sidaan ognahay Waddankan sharciyadiisa waxay oggol yihiin in qof walba uu diintiisa xor u ahaado laguna xushmeeyo, Marka aniga waxaan ahay qof muslim ah oo xijaab xirato, sharcigaanna waa muhiim inuu ii oggolaado inaan xijaabkeyga xirto shaqadeydana guto, Marki la i doortay waxaan ogaannay inuu jiray sharci igu adkeynaya inaan khamaarkeyga wato, marka waxaa fursad la ii siiyay inaan aniga noqda qofka horseedaya sidii sharcigaas loo baddali lahaa” ayey tiri Ilhaan.


    Ivanka Trump oo ah gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka mid ah dad fara badan oo Ilhaan ku taageeray iney tallaabadaas u qaaddo sidii ay u xaqiijin lahayd in iyadoo xijaaban ay dhex fariisato aqalka Koongareeska.


    Hirgalinta sharcigan ayaa la filayaa in la guda galo isbuucyada soo socda, marka xildhibaannada loo dhaariyo xilalkooda, sida ay BBC-da u sheegtay Ilhaan.


    Xisbiga Dimuqraaddiga, oo ay Ilhaan xubin ka tahay ayaa aqlabiyad ku leh aqalka wakiillada ee Koongareeska, waxaana lagu wadaa in ay si sahlan ku baddalaan sharcigaasi, Ilhaan ayaana aaminsan iney arrintan wax weyn uga dhigantahay gabdhaha kale ee muslimiinta ah.


    “Waxaan rajeynayaa in gabdhaha muslimiinta ee aniga kaddib la soo dooran doono ay heli doonaan fursad ay xijaabkooda kula tagaan shaqadooda, dagaal kalena aysan u galin iney arrintaas hir galiyaan. Tusaale ayaan u noqon doonaa gabdhaha yar yar ee iskuullada dhigta.
    Waxay ila tahay in gabdhahaas markii iyagoo xijaabka ku xiran iskuulka lagu foorjeeyo ay dhihi doonaan ‘xijaabkeyga waxba haka sheegin sababtoo ah gabar xijaaban ayaa fadhisa Koongareeska, marka waxaan u maleynayaa inaan waddo fiican u furi doono ayna heli doonaan dhiirri galin”..

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.