Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gaafoow beeniyay in loo magacaabay hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha
    Somalia

    Gaafoow beeniyay in loo magacaabay hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 9, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyihii Hore ee Hay’adda NISA Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa Beeniyay warqad been abuur ah oo la soo dhigay baraha bulshada, taas oo lagu sheegayo in loo magacaabay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

     Jeneraal Gaafoow ayaa sheegay in uu garanayo kooxaha ka dambeeya been abuuka intaa la eg, wuxuuna kula taliyay kooxahaasi iney ka waantoobaan falalka noocaan oo kale ah.

    Gaafoow ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in la maduufikeeyo saxiixa R/wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna dalbaday in tallaabo laga qaado kooxaha arrintaan ka dambeeyay.

    “Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay,  waana fool xumo in la farsameeyay Saxiixa Ra’isul Wasaaraha” ayuu yiri Jeneraal Gaafoow.

    Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa ku baaqay in la ilaalayo nidaamka iyo Dowladnimada, taas oo uu xusay in halgan dheer loo soo maray si halka maanta la joogo loo soo gaarsiiyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.