Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hay’ada biyaha Puntland ee ‘’PSAWEN’’ oo lagu wareejiyay dhaqaale loogu talagalay gurmadka abaarta
    Somalia

    Hay’ada biyaha Puntland ee ‘’PSAWEN’’ oo lagu wareejiyay dhaqaale loogu talagalay gurmadka abaarta

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 09 April 2017 ku wareejiyey lacag dhan $100,000 oo dollar hay’adda biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN), taas oo loogu tala galay in lagaga qayb qaato gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyeen ee ku teedsan degaanada Puntland.

    Munaasibada uu Madaxweyne kuxigeenku ku wareejinayey lacagtan ayaa waxaa ku wehelinayey Masuuliyiin ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Dawladda Puntland.

    Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa shegay in ay lacagtani ahayd $150,000 oo dollar taas oo Puntland kasoo gaadhey guddiga gurmadka Abaraaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, isla markaana ay guddiga Abaaraha Puntland $50,000 oo dollar oo kamida lacagtaasi ay hore ugu wareejiyeen  guddiga abaaraha gobolka Mudug, $100.000 soo hadhayna uu maanta ku wareejiyey hay’adda biyaha, tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee dawladda puntland ( PSAWEN)

    Kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in lacagta ay ku wareejiyeen guddiga gurmadka abaaraha gobolka mudug ay ku amreen in lasiiyo raashin oo keliya, si loogu gargaaro ummadda Soomaliyeed ee ku soo hayaantay degaanada gobolkaasi, halka $100,000 uu maanta ku wareejiyey hay’adda PSAWEN lagu soo iibin doono Lix booyadood oo  wax weyn ka tarri doona gurmadka loo fidinaayo dadka abaartu waxyeelaysay.

    Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in ay cid walba oo lacag ama gargaar loogu dhiibo dadka abaaruhu sameeyeen ay kula xisaab tami doonaan, si ay ummaada Soomaliyeed u aragta uguna cadaato shaqo walba oo looqabanaayo shacabka abaartu waxyeelaysay.

    Dinnaca kale ku simaha madaxweynaha ayaa waxa uu caadyey in ay Puntland ku sugan yihiin kuna soo hayaameen shacab Soomaaliyeed oo ka kala yimi Waqiiyiga, Koonfurta iyo Galbedka Soomaliya iyo sidoo kale Soomalida Dawladd Degaanka Itoobiya, isla markaana loobahan yahay in il gaara lagu eego dadkaasi sidii loola tacaalilahaa xaladooda mid caafimaad iyo mid dhuuni-ba

    Ugu danbayn,Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Egn, Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa umahad naqay guddiga Abaaraha DFS iyo cid walba oo kaqayb qaadatay gacana ka gaysatay gurmadka lagu caawinaaya dadka abaaruhu saameeyeen.

    -DHAMMAAD—XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.